Xiriirka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa ka shaqeynaya sharci cusub oo dhiagay in kulamada wareega guruubyada Koobka Adduunka lagu kala baxo rigoore iyadoo la mamnuucayo in ciyaaraha ay barbaro ku dhamaadaan laga bilaabo Koobka Adduunka ee 2026.
Koobka Adduunka ee soo socda waxaa isla martigelin doona Mareykanka, Canada iyo Mexico iyadoo markii ugu horeysay ay ka qeybgeli doonaan 48 xul halka ay markii hore ka aheyd 32 xul, waxaa la sameyn doonaa 16 guruub oo min seddex xul ah.
Labada xul ee ugu sareysa ayaa u soo baxaya wareega cusub ee 32da.
Waxyaabaha kale ee la soo kordhinayo Koobka Adduunka ee 2026 waxaa ka mid ah in rigoore lagu kala baxo haddii kulan ka tirsan wareega guruubyada uu ku dhamaado barbaro sida ay sheegtay The Athletic.
Taageerayaasha kubada cagta ayaana si weyn uga soo horjeestay sharciga cusub ee ay wado FIFA, iyagoo sheegay in FIFA ay ku ciyaareyso isboortiga.
Waxaa weli laga fiirsanayaa in rigoorada la ciyaaro ka hor ciyaarta ama ka dib marka ay ciyaarta dhamaato.
Marco van Basten oo ah xiddigii hore ee Holland islamarkaana ku jira guddiga farsamada ayaa sheegay in rigoore lagu soo kordhin doona wareega guruubyada Koobka Adduunka si guuleysto loo helo marka ay ciyaarta barbaro ku dhamaato.
Sidee ayuu kula yahay sharcigaan la doonayo in dhaqan geliyo Koobka Adduunka ee 2026?