Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa lagu eedeeyey in ay dulminayaan garooreyaasha Ingiriiska ee Michael Olivier iyo Anthony Taylor, isla markaana ku dhibaataynayaan Koobka Adduunka oo aan illaa hadda loo dhiibin kulamo ay qaytaan.
Michael Oliver oo 37 jir ah iyo Anthony Taylor oo 44 jir ah ayaa ah labada garsoore ee kaliya ee Premier League ka socda ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka, waxaanay ka mid yihiin 36 garsoore oo FIFA ay soo xulatay.
FIFA ayaan illaa hadda wax ciyaaro ah ku qorin labadan garsoore, waxaanay wararku sheegayaan inay jirto suurtogalnimo ah in looga shakisan yahay inay soo xidhaan calaamadda Khaniisiinta amaba ay la safan yihiin ciyaartoyda dalkooda ee ololahaas ku jira.
Toddoba kabtan oo reer Yurub ah ayaa waxay hore u shaaciyeen inay u ololaynayaan qowmu-luudka, waxaana ciyaartoydaas ku jira kabtanka xulka qaranka England ee Harry Kane, waxaana dareenka jiraa uu yahay in garsooreyaasha Ingiriiskuna ala qabaan fikirkaas.
Olivier iyo Taylor oo ah labada garsoore ee ugu fiican horyaalka Premier League ayaanay FIFA wax shaki ah gelinin shaqadooda, illaa haddana lama sheegin sababta loogu dhiibi waayey kulamada Koobka Adduunka iyaga oo ku sugan waddanka Qatar.
Olivier ayaa kusoo biiray garsooreyaasha horyaalka Premier League sannadkii 2010, laba sannadood kaddibna waxa uu galay liiska garsooreyaasha FIFA, waxaanu soo qabtay finalo badan sida European Super Cup, Community Shield, EFL Cup final iyo laba final oo FA Cup ah.
Taylor ayaa isaguna isla sannadkii 2010 ka mid noqday garsooreyaasha Premier League, balse saddex sannadood kaddib ayay FIFA siisay liisanka garsoorenimada. Muddadii uu ku jiray garsoorka waxa uu soo qabtay Nations League FINAL, European Super Cup, FA Cup final, EFL Cup Final, Communisty Shiel, Championship play-off final.