Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ka hadlay wixii xalay ay taageereyaasha Talyaanigu ku sameeyeen difaaca reer France ee Samuel Umtiti oo dhibbane u noqday aflagaaddooyin cunsuri ah intii ay socotay ciyaaartii horyaalka Serie A ee Lecce iyo Lazio ee shalay.
Gianni Infantino ayaa ka adkaysan waayey markii uu Samuel Umtiti oohin qabsaday garoonka dhaxdiisa iyadoo taageereyaashuna ay sii wadeen aflagaaddada ay u geysanayeen.
Garsooraha ayaa joojiyey ciyarta waqti kooban oo qayybtii labaad ah markii ay taageereyaasha kooxda martida ee Lazio isla heleen dhawaaqa cayda cunsuriyeysn ee Samuel Umtiti oo difaaca dhexe uga ciyaara Lecce.
Jamaahiirta Lecce ayaa iyaguna geesinimo sameeyey oo markii ay ciyaartu dhamaatay u istaagay Umtiti oo murugaysan, waxaanay taasi abuurtay in laacibkan uu laba jeer dareenkiisu isbeddello oo isaga oo markii hore ka ooyayay aflagaaddada uu markan dambe farxad muujiyo.
Madaxweynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Instagram waxa uu ku sheegay inuu garab taagan yahay Samuel Umtiti iyo Lameck Banda, waxaanu dalbaday in loo baahan yahay in si adag lool dagaallamo cunsuriyadda, taageereyaasha badankooduna fahamsan yihiin, isla markaana yihiin kuwo fiican, balse dhamaanteen la inooga baahan yahay inaynu aamusiino kuwa samaynaya cunrusiyadda.
Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga iyo taageereyaasha kubadda cagta ee dunida ayaa iyaguna kaga falceliyey baraha bulshada, balse waxa la sugayaa tallaabada laga qaadi doono Lazio oo la rumaysan yahay inuu ganaax ku dhici doono.
Samuel Umtiti ayay u ahayd ciyaartiisii lixaad ee uu u saftay Lecce oo xagaagii uu usoo wareegay kaddib markii uu ku dhacay shaybaadhka Rennes.