Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Fernando Santos Oo Shaaciyey Hadalkii Uu Ku Yidhi Cristiano Ronaldo Ee Ka Cadhaysiiyey Xiddiga Portugal

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
Fernando Santos Oo Shaaciyey Hadalkii Uu Ku Yidhi Cristiano Ronaldo Ee Ka Cadhaysiiyey Xiddiga Portugal

Tababaraha xulka qaranka France ee Fernando Santos ayaa maanta hor yimid saxaafadda, isaga oo qabtay shirkii jaraa’id ee ka  horreeyey kulanka Morocco, waxaanay saxaafaddu ku boobtay su’aalo xaasaasi ah oo intooda badan ku saabsanaa xurgufta u dhaxaysa Cristiano Ronaldo.

ADVERTISEMENT

Maalmihii ugu dambeeyey waxay saxaafaddu si weyn u hadal haysay xulka qaranka Portugal, gaar ahaan Cristiano Ronaldo oo la sheegay inuu ku hanjabay inuu iskaga tegayo xulka iyadoo uu socdo Koobka Adduunku, kaddib markii la fadhiisiyey ciyaartii Switzerland.

Xidhiidhka  kubadda cagta Portugal ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku beeniyey arrintaas, sidoo kalena Ronaldo ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Instagram waxa uu ku sheegay in qolka labbiska Portugal midaysan yahay oo ay isku duuban yihiin, taas oo uu meesha kaga saarayay wararka la isla dhax wareegayo.

Tababare Fernando Santos ayaa la weydiiyey waxa ka jira haddii uu Ronaldo ugu hanjabay inuu iskaga tegayo xulka, waxaanu ku jawaabay: “Marna iima sheegin inuu doonayo inuu iskago xulka Portugal. Iima aanu sheegin aniga. Waad arkaysaan sida uu u dhaqmayo, sababtoo ah waxa uu la dabbaal-degaa goolasha ciyaartoyda saaxiiibadii dhaliyaan, way mahadsan yihiin taageereyaashuna.

ADVERTISEMENT

Santos ayaa sidoo kale la weydiiyey hadalka ka cadhaysiiyey Ronaldo ka hor kulankii Switzerland ee uu kaydka dhigay ee uu ku yidhi, waxaanu ku jawabay: “Waxa aan u sheegay in aanu kusoo bilaabanayn wareegga 16ka. Kuma aanu faraxsanayn wada-hadalkayaga, waanu cadhooday.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share441Tweet276
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.