Ninka dhawrka jeer kusoo guuleystay abaalmarinta feedhyahanka aduunka ee ree Mexico ee Canelo Alvarez ayaa raaligelin ka bixiyya hanjabaadii uu u geystay kabtanka xulka Argentina Lionel Messi.
Messi ayaa qaab ciyaareed heer sarre ah soo bandhigay kulankii xulkiisu guusha 2-0 ah ka gaadhay Mexico isagoo goolna dhaliyay midna caawiyay.
Kulanka ka dib ayaa la arkay muuqaal Messi oo ku istaagaya maaliyada xulka Mexico oo dhex taalay qolka labiska.
Muuqaalkaas oo hadal hayn iyo cadho badan ka dhaliyay baraha bulshada ayaa ugu dambayn gaadhay feedhyahan Canelo Alvarez.
Alvarez oo qoraalo dhawr ah bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayaa yidhi “Ma aragteen Messi oo dhulka ku nadiifinaya maaliyadeena iyo calankeena? Ilaahay haka baryo in aanan is arkin.
“Si lamid ah sida aan Argentina u ixtiraamo isaguna ha u ixtiraamo Mexico. Anigu kama hadlayo dalka (Argentina) oo dhan, kaliya waxaan ka hadlayaa waxa xun ee Messi sameeyay”.
Hanjabaada Alvarez ayaa iyadana noqotay mid hadal heyn leh, laakiin feeryahanka ayaa raaligelin ka bixiyay hanjabaadii uu u diray Messi isagoo goordhow soo qoray:
“Maalmihii ugu danbeeyay waxaa i qaaday xamaasada iyo jaceylka aan u qabo wadankeyga, waxaan ku hadlay hadalo aan meel saarneyn oo aan doonayo inaan ka raaligeliyo Messi iyo dadka Argentina.
“Maalin walba wax cusub ayaan baranaa, maanta aniga waqtigeyga ayay aheyd.”