Xafiiltankii qarniga socday ee u dhexeeyey ayuu meel iska dhigay, waxaana uu farriin cajiib ah u diray Lionel Messi oo xalay dalkiisa Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka, isla markaana ku biiray liiska ciyaartooyo dhif iyo nadir ah oo siddeed laacib oo kali ahi uga horreeyeen.
Messi ayaa laba gool dhaliyey finalkii Koobka Adduunka ee waqtiga dheeraadka ah lagu daray, kuna soo dhamaaday 3-3, halka Faransiiska uu saddexlay u dhaliyey Kylian Mbappe. Rikoodheyaashii ayay Argentina ku garaacday France oo ay koobka ku qaadday.
Halyeyga Brazil ee Ronaldo ayaa si kal iyo laab ah ugu hambaleeyey Lionel Messi oo uu u diray farriin cajiib ah markii uu Xiddiga Argentina xalay xaqiijiyey guusha dalkiisa ee Koobka Adduunka.
Laacibkan toddobada jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa markii uu isaga oo ah kabtanka xulkiisa raacay raadkii Diego Maradona ee uu ku guuleystay Koobka Adduunka, waxa uu Ronaldo ku qasbanaaday inuu iska illoobo xafiiltankii u dhexeeyey labadooda dal, waxaana qoraal uu ku sheegay in Lionel Messi uu daaqadda ka saarayo qof kasta oo ay xafiiltamaan.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayuu Ronaldo oo 46 jir ahi ku yidhi: “Wiilkan kubaddiisu meesha ka saaraysaa cid kasta oo ay xafiiltamayaan.
“Waxa aan arkay Brazilian badan iyo dadka daafaha dunida ku kala nool in ay la socdaan bandhigga korontada oo kale ah ee uu Messi sameeyey finalkii. Waa sagootin u qalanta mucjisadan oo ka fog in kaliya lagu t9iilmaamo xiddig koob adduun iyo kabtankii cahdiga. Hambalyo Messi!”
O futebol deste cara joga pra escanteio qualquer rivalidade. Vi muito brasileiro – e gente do mundo inteiro – torcendo pelo Messi nesta final eletrizante. Uma despedida à altura do gênio que, muito além de craque da Copa, capitaneou uma era.
Parabéns, Messi! pic.twitter.com/djwuKJzexa
— Ronaldo Nazário (@Ronaldo) December 18, 2022