Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Faransiiska Oo Xasuuq Ku Difaacday Koobka Adduunka, Rikoodhka Taariikhiga Ah Ee Giroud Iyo Ceebtii Raacday Lewandowski Ee Fiidkii Adduunyada Qabsatay

by Abdiwahab Ahmed
November 23, 2022
0
Faransiiska Oo Xasuuq Ku Difaacday Koobka Adduunka, Rikoodhka Taariikhiga Ah Ee Giroud Iyo Ceebtii Raacday Lewandowski Ee Fiidkii Adduunyada Qabsatay

Xulka qaranka France ayaa si xoog badan ku bilowday difaacashada Koobka Adduunka, waxaanay 4-1 ku karbaasheen Australia oo isku carisay markii ay gool waqti hore ahaa kala hormartay.

ADVERTISEMENT

Olivier Giroud ayaa laba gool saxeexay, laba kalena waxa qaybsaday Ousmane Demebele iyo Kylian Mbappe, halka goolka madiga ahna uu waqti hore Australia u keenay Goodwin.

Ciyaartan oo inta badan Faransiisku maamulayay, isla markaana fursado aad u badan ay heleen labadii qayboodba, ayaa uu Didier Deschamps ku raaxaysanayay daawashada xiddigihiisa, inkasta oo uu ka nixiyey dhaawac bilowgiiba garoonka lagaga saaray Lucas Hernandez oo isaga oo garbaha la hayo laga saaray garoonka.

france v australia group d fifa world cup qatar 2022 1170x763 1

ADVERTISEMENT

Daqiiqaddii 9aad ayay Australia gool kaga nixiyey xulka France, kaddib markii uu Leckie kubbad kusoo garaacay Lucas Hernandez oo uu ugu gooyey dhinaca bidix, waxaanu usoo dhiibay Goodwin oo isaguna shabaqa ku hubsaday. Kubbaddan ayaa waxa ku dhaawacmay Lucas Hernandez oo lagu soo beddelay walaalkii Theo Hernandez.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Goolkan ayaa waxa  uu firfircooni ku abuuray khadka dhexe ee Faransiiska, iyaga oo si buuxda gacanta ugu dhigay maamulka kubadda isla  markaana cadaadis badan soo saaray goolka Australia oo iyaguna isku dayay inay difaacdaan goolka ay la hormareen.

Adrien Rabiot ayaa goolka barbarraha u keenay Faransiiska daqiiqaddii 27aad, isaga oo madax awood badan ku dhamaystiray kubbad uu usoo dhiibay Theo Hernandez oo dhinaca bidix uu kasoo jabiyey. Goolhaye Ryan ayaan wax fursad ah u helin inuu kubaddaas badbaadiyo.

Shan daqiiqadood kaddib ayuu xulka Faransiisku sii dheeraystay hoggaanka ciyaarta, waxaana kubbad uu Rabiot ka boobay difaaca uu u gujiyey Mbappe oo isaguna cidhib ugu dhiibay, waxaanay uu Rabiot usii dhiibay Olivier Giroud oo goolka oo cidlo ah hortaagan oo uu aadyar lugta ku dhamaystiray, waxaanay ciyaartu noqotay 2-1.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayuu xulka Faransiisku sii watay culayska badan, iyaga oo kubaddana  ka ilaaliyey Australia oo ay kubbad-haynta gaadhsiiyeen 70.6%.

ADVERTISEMENT

Kylian Mbappe ayaa goolkiisa helay daqiiqaddii 68aad ee ciyaarta, waxaana kubbad uu Ousmane Dembele uu usoo dhiibay uu ku leexiyey goolka, sidaasna waxay kusii dheeraysteen hoggaanka.

Hadiyad uu Mbappe u madax u saaray ayuu Olivier Giroud ku hubsaday shabaqa, iyadoo ciyaartana uu ka dhigay 4-1, halka uu sidoo kalena goolkaasi ku barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta Thierry Henry oo ay hadda leeyihiin min 51 gool oo ay yihiin xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda Faransiiska.

FiMdMUCWAAAgiEH

Olivier Giroud ayaa waxa uu fursad u haystaa in uu sii wato rikoodhkiisa gool-dhalinta inta uu socdo tartanka Koobka Adduunka ee sannadkan.

Tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ayay Faransiisku heleen fursado badan oo ay goolal u beddeli karayeen, waxaana kubbad loo kacay laga badbaadiyey Ibrahima Konate.

Dhinaca kale, waxa xulkiisa dhulka la galay Robert Lewandowski oo rikoodhe ka khasaariyey kulan ay barbarro goolal la’aan ah ku dhamaysteen Mexico, kaas oo haddii uu dhalin lahaa uu dalkiisu la sinmi lahaa Sucuudiga  oo ay isku group yihiin, maantana ka adkaaday Argentina.

Mexico ayaa heshay fursadaha badan ee ciyaarta, sidoo kalena inta badan haysatay maamulka balse waxay iska khasaariyeen fursado badan oo uu goolhaye Wojciech Szczesny ka dafiray.

Poland ayaa rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 58aad, waxaana kubadda soo qaatay Robert Lewandowski, hase yeeshee goolhayaha khabiirka ah ee Guillermo Ochoa ayaa ka raacay oo ka badbaadiyey, sidaas ayaana Lewandowski uu ku noqday ciyaartoyga khasaariyey rikoodhihii ugu horreeyey Koobka Adduunka ee sannadkan.

Share382Tweet239
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.