Warbaahinta Faransiiska ayaa bartilmaameed ka dhigatay Harry Maguire iyagoo ku tilmaamay meesha kaliya ee ay ka liidato xulka England.
Labada xul ee France iyo Senegal ayaa isku arka wareega sideed dhamaadka ka dib markii ay ka soo kala gudbeen Poland iyo Senegal.
Warbaahinta Faransiiska ayaa durbaba bilowday inay dagaal dhanka afka ah la galaan dhigooda Ingariiska iyagoo sheegay ku tilmaamay Maguire inuu u culus yahay sida xayawaanka diinka.
Jariirada Faransiiska L’Equipe ayaa qortay: “Diinka Harry Maguire waa mid culus kaasoo noqon kara halka ay u liidato England, waxaa macquul ah in Gareth Southgate uu iska ilaawo shax ciyaareedkiisa 4-3-3 oo uu u bedelo 3-4-3 sida uu sameeyo marka uu wajahayo kooxaha ugu fiican.
“Iska horimaadka Kylian Mbappe iyo Kyle Walker oo ka soo laabtay dhaawac gumaarka ah oo uu la maqnaa ku dhawaad labo bilood ayaa fure u noqon doona ciyaartaan.
“Xulka Three Lions waxay inta badan dhibtoonayeen marka ay ka horyimaadeen xiddigo farsamo leh sida Adrien Rabiot ama Antoine Griezmann, laakiin waqtigaan iyaga heysta xiddig u dhigma kuwaas oo ah Jude Bellingham kaasoo wacdarro ka dhigaya tartanka.”
Wargeyska kale ee Faransiiska Sud Ouest ayaa isna shaaciyay in France ay diyaar u tahay inay libaax ku xunto Al Bayt Stadium.