Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Faransiiska Oo Kala Doortay Didier Deschamps Iyo Karim Benzema – Midkee Ayay Qaateen?

by Abdiwahab Ahmed
December 20, 2022
0
Faransiiska Oo Kala Doortay Didier Deschamps Iyo Karim Benzema – Midkee Ayay Qaateen?

Xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ayaa laba-daran kala doortay, kaddib markii ay noqotay inay mid raacaan Didier Deschamps iyo Karim Benzema oo ay caddaatay in aanay kusii wada jiri karin xulka qaranka Faransiiska, taas oo soo dedejisay in uu weeraryahanka Real Madrid ku dhawaaqo inuu ka fadhiistay xulka qaranka.

ADVERTISEMENT

Didier Deschamps oo ay da’diisu tahay 54 jir ayaa xulka France u qaaday Koobkii Adduunka 2018 iyo UEFA Nations League, sidoo kalena waxa uu keenay finalka Koobkii Adduunka ee Axaddii ay Argentina rikoodheyaasha kaga qaadday.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe, Deschamps oo la filayay inuu ka tago xulka marka uu dhamaado Koobka Adduunka ayaa sii joogi doona xulka oo uu u hoggaamin doono tartanka Euro 2024 lagu qaban doono waddanka Germany, sidoo kalena waxa suurtogal ah inuu sii ahaan doono tababare illaa Koobka Adduunka 2026.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ee Noel Le Graet ayaa hore u sheegay inuu la kulmi doono Deschamps sannadka cusub, isla markaana ay isla meel-dhigi doonaan mustaqbalkiisa, isaga oo dhinaca kalena muujiyey inuu doonayo in Deschamps sii joogo xulka.

ADVERTISEMENT

Arrintani waxay meesha ka saaraysaa in Karim Benzema uu kasii mid ahaado xulka France oo maalin ka hor Koobkii Adduunka ee dhowaanta dhamaaday uu Deschamps ka saaray xulkiisa, iyadoo la tuhunsan yahay in uu nacayb shaqsi ah u qabo Benzema oo horena uga maqnaa xulka muddo shan sannadood iyo badh ah ka hor intii aan lagu soo celin sannadkii hore ee 2021.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

L’Equipe waxa uu sheegay in Le Graet ay u noqotay inuu kala doorto Deschamps iyo Benzema mar haddii aanay wada joogi karayn xulka, sidaas darteedna uu la saftay tababaraha oo ay u tirinayaan inuu guulo waaweyn gaadhsiiyey dalkaas maadaama uu finalka keenay laba koob adduun oo isku xiga oo uu midkood qaaday, uguna daray UEFA Nations League.

ADVERTISEMENT
Share571Tweet357
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.