Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Faransiiska Oo Dalbaday In Lagu Celiyo Finalkii Koobka Adduunka & Dacwadda Ay U Gudbiyeen FIFA

by Abdiwahab Ahmed
December 23, 2022
0
Faransiiska Oo Dalbaday In Lagu Celiyo Finalkii Koobka Adduunka & Dacwadda Ay U Gudbiyeen FIFA

Faransiiska ayaa dalbaday in lagu celiyo ciyaartii finalka Koobka Adduunka ee Argentina ay rikoodheyaasha kaga qaadday koobka, taas oo ay ka tirsanayaan in caddaalad-darrooyin ay ku dhaceen oo aya tahay in lagu celiyo.

ADVERTISEMENT

In ka badan 200,000 qof ayaa saxeexay codsi ‘petition’ ay FIFA kaga dalbanayaan in lagu celiyo finalkii Koobka Adduunka ee Axaddii oo rikoodheyaal 4-2 ah lagaga badiyey, kaddib markii ay ciyaarta oo lagu daray waqti dheeraad ah ay kusoo dhamaatay 3-3.

Lionel Messi iyo Angel di Maria ayaa hoggaanka u dhiibay Argentina qaybtii hore, balse Kylian Mbappe ayaa ugu jawaabay laba gool oo ay laba daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen. 30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ayuu mar kale Lionel Messi hoggaanka u dhiibay xulkiisa oo uu ciyaarta k dhigay 3-2, balse Mbappe ayaa mar gool saddexaad dhaliyey oo barbarro ka dhigay ciyaarta.

Faransiiska ayaa u gudbiyey FIFA codsi ay ku doonayaan in loogu sameeyo wax aan macquul ahayn oo ay ogyihiin in aanay dhacayn, waxaanay codsadeen in lagu celiyo finalkii iyaga oo ku dooday in rikoodhihii bilowga ciyaarta loo dhigay Argentina ee uu Lionel Messi goolka u beddelay uu ahaa caddaalad-darro, halka dhinaca kalena ay ku doodeen in Kylian Mbappe qalad lagu galay ka hor intii aanu Di Maria dhalin goolka labaad.

ADVERTISEMENT

Labada gool ee hore ee hore ee Argentina dhalisay ayay Faransiisku ku doodayaan in aanay waxba ka jirin oo ay qaldanaayeen, waxaana codsigooda aan macquulka ahayn ay FIFA ugu soo jeediyeen in gebi ahaanba ciyaarta lagu celiyo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Dhinaca kale, xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ayaa dacwad ka dhan ah goolhayaha Argentina ee Emiliano Martinez u gudbiyey FIFA, waxanay ka dalbadeen in lagu sameeyo anshax-marin, kaddib markii uu maalmihii ugu dambeeyey ku maadaysanayay Kylian Mbappe.

Emiliano Martinez ayaa ciyaartoyda xulkiisu ay ku laabteen Argentina lasoo baxay boombalo uu ku yaallo sawirka Kylian Mbappe oo loo ekaysiiyey canug yar, taas ayaana ka cadhaysiisay xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska.

ADVERTISEMENT
Share384Tweet240
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.