Saddex ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa Faransiiska finalkii Koobka Adduunka ee Argentina ay Axaddii rikoodheyaasha kaga badisay ayaa lagu qaaday weerar cunsuriyadeed oo midabkooda lagu bartilmaameedsanayo.
Randal Kolo-Muani oo beddel kusoo galay qaybtii hore isla bandhig fiican sameeyey ayaa ka mid noqday saddexda ciyaartoy ee Faraniiiska ah ee la cunsuriyeeyey. Waxa ku wehelinaya Aurelien Tchouameni oo ah ciyaartoyga kaliya ee dhamaan kulamadii xulka Faransiiska ee Koobka Adduunka kusoo bilowday iyo Kingsley Coman.
Xiddigaha Real Madrid iyo Bayern Munich ee Tchouameni iyo Coman ayaa khasaariyey rikoodheyaasha, taas oo sabab u noqotay in Argentina ay koobka ku guuleysato. Sidoo kale, Kolo-Muani ayaa isaguna dhamaadka ciyaarta khasaariyey fursad dahabi ahayd oo soo martay daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray, taas oo haddii uu dhalin lahaa ay Faransiisku koobka ku guuleysan lahaayeen.
Farriimo badan oo cunsuriyad ah ayaa xalayba lagu bilaabay in lagu weeraro saddexdan ciyaaartoy, waxaana si degdeg ah akownadoodii hawada uga saaray Tchouameni iyo Kolo-Muani, inkasta oo ay mar dambe dib usoo ceshadeen akownadooda.
Saddexdan ciyaartoy ayaa cunsuriyadda iyo aflagaaddada loo geystay la barbar-dhigay xiddigaha Ingiriiska ee Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka oo finalkii Euro 2020 rikoodheyaal khasaariyey, isla markaana ay taageereyaashu aflagaaddeeyeen.