Dusan Vlahovic ayaa si xun u beeniyay wararka sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxay qolka labiska xulka Seriba ee Koobka Adduunka ka qeyb galaya.
Joornaaliistaha Ingariiska Richard Wilson ayaa ku eedeeyay weeraryahanka Juventus inuu gogol dhaaf la sameeyay xaaska xiddiga ay isku xulka yihiin Predrag Rajkovic intii ay xulka ku xareysnaayeen xerada tababarka.
Waxaana la sheegay inay sabab u aheyd in kursiga keydka la geliyo madaama uu boos joogta ah ka heystay xulka Serbia.
Vlahovic ayaa isku difaacay shir jaraa’id uu qabtay isagoo yiri:
“Waan ka xumahay inaan shirka jaraa’id ee Koobka Adduunka ku bilaabo sidaan, laakiin waa qasab inaan ka hadlo sababtoo ah magaceyga ayaa la xumeeyay” ayuu yiri Vlahovic.
“Waxa aan maqalyna ma aqrinay ma mudna in faalo laga bixiyo.
“Sida iska cad dadka qoray waa dad caajis hayo oo wax ay qabtaan aysan jirin. Waa dad jahwareersan oo careysan, waxayna ka shaqeynayaa inay iska horkeenaan ciyaartoyda xulka.”
Laakiin eedeynta gogol dhaafka qolka labiska halkaas kuma eka. Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in Nemanja Gudlj inuu isna gogol dhaaf la sameeyay gabadha uu saaxiibta la yahay Luka Jovic.
Wuxuu sheegay in dhacdadaan ay keentay in labada ciyaaryahan ay isku feeraan garoonka tababarka.
Serbia waxay la ciyaareysaa Jimcaha xulka Switzerland, waxayna u baahan yihiin guul si ay ugu gudbaan wareega 16ka.