Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

FADEEXAD! Maxaa Ka Jira In Qatar Ay Laaluushtay Ciyaartoyda Ecuador Si Ay U Badiyaan Kulanka Furitaanka Koobka Adduunka?

7.4 Milyan Doolar Ayaa La Bixiyay

by Saed Mohamed
November 18, 2022
0
FADEEXAD! Maxaa Ka Jira In Qatar Ay Laaluushtay Ciyaartoyda Ecuador Si Ay U Badiyaan Kulanka Furitaanka Koobka Adduunka?

Martigelinta Koobka Adduunka waa mas’uuliyad weyn, waana mid si weyn u qalqal gelineysa dalka yar ee Qatar.

ADVERTISEMENT

Todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa dowlada Qatar lagu cadaadinayay rikoodhkooda xun ee xuquuqda aadanaha iyo sida ay u la dhaqmeen shaqaalihii ay ku dhiseen garoomada oo boqolaal ka mid ah ay geeriyoodeen.

Marka intaas laga yimaado Qatar waxay wajaheysaa haatan eedeymo halis badan oo ilays xun ku iftiininaya.

Sida uu shegay Amjad Raha oo ah khabiirka arimaha siyaasada iyo agaasime goboleedka Britain ee fadhigioodu yahay Sacuudi Areebiya, Qatar waxay laaluush siisay qaar ka mid ah ciyaartoyda xulka Ecuador si ay u badiyaan kulanka furitaanka.

ADVERTISEMENT

Waxa uu sheegay in sideed ka mid ah ciyaartoyda xulka Ecuador inay lagu laaluushay lacag gaareysa 7.4 milyan doolar si ay u ogolaadaan inay Qatar badiso Axada.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

January 28, 2023
“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023

Khabiirkaan ayaa sheegay inuu warkaan ka soo xigtay dad ka tirsan Ecuador iyo Qatar oo u xaqiijiyay, waxaana uu dunida weydiistay in laga soo horjeesto musuq maasuqa FIFA.

Sida lagu sheegay warbixinta, Qatarayiintu waxay u bandhigeen ciyaartoyda Ecuador lacag si ay 1-0 ugu badiyaan qeybta labaad ee ciyaarta furitaanka.

Eedeyntaan ayaa sii xoojineysa eedeymihii la xiriiray in Qatar ay malaayiin doolar ku bixisay martigelinta Koobka Adduunka.

Labo maalin ka hor bilowga Koobka Adduunka, weli dowlada Qatar kama jawaabin eedeymahaan.

ADVERTISEMENT
Share468Tweet293
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Garoonka tababarka kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion waa uu ka duwanaa saaka sidii uu hore u ahaan jiray,...

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.