FADEEXAD: Jack Grealish Oo Lagu Helay Inuu La Seexday Mid Ka Mid Ah Dumarkii Lagu Kufsaday Guriga Benjamin Mendy

Xiddiga xulka qaranka England iyo Manchester City ee Jack Grealish ayay faraqa lasoo gashay fadeexadda kiisaska kufsiga ee loo haysto saaxiibkiisa Manchester City ee Benjamin Mendy, waxaana maskamadda laga hor sheegay in uu Jack Grealish galmo la sameeyey gabadh lagu eedaynayay in lagu kufsaday guriga Mendy, iyadoo waliba falkaasina hal habeen wada dhacay.

Jack Grealish ayaa la sheegay in uu la seexday haweenayd 23 jir ah, laakiin isla waqti dambe oo habeenkaas ah ay kufsadeen Mendy iyo nin ay saaxiibbo yihiin oo lagu magacaabo Louis Saha Matturie, bishii August ee sannadkii hore.

Xiddiga ugu qaalisan horyaalka Premier League ee Jack Grealish oo uu wehelinayo Mendy ayaa waxay ku caweeyeen China White oo ah makhaayad habeenkii lagu caweeyo, kaddibna waxay isku raaceen guriga Mendy oo ku yaalla Prestbury, Cheshire, halkaas ayaanu ka dhacay falkani.

Advertisements

Gabadhan ayaa sheegtay in iyada oo khamri cabsan uu baabuurka dhexdiisa ku kufsaday Matturie, halka Mendy uu isaguna fara-xumeeyey gabadh kale oo 17 jir ahayd isla habeenkaas.

Maanta, ayaa waxay dacwad oogeyaashu maxkamadda ka daareen waraysigii ay la yeesheen gabadhan oo eedaynaysa Mendy iyo Mattuuire, hase yeeshee waxa si lama filaan ah uga soo dhex booday magaca Jack Grealish oo ay isagana u xustay in uu isla habeenkaas la seexday.

Lama sheegin in Jack Grealish uu soo gelayo eedaysaneyaasha kiiskan kufsiga ee uu muddada u xidhan tagay Mendy oo hadda aan loo ogolayn in uu gurigiisa ka fogaado, iyadoo laga xareeyey baasaboorka iyo waxyaabihii uu ku safri lahaa, kaddib bilo uu saldhig boolis ku xidhnaa.

Mendy ayaa beeniyey in uu wax dembi ah geystay, dhamaan falalka lagu soo eedeeyeyna waxa uu ku tilmaamay been abuur.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada