Xalay ceeb weyn ayaa ka dhacday xafiiska BBC Sports intii uu socday kulankii ku celiska FA Cup ee u dhaxeeyay kooxaha Liverpool iyo Wolves oo Reds ugu dambayn guul 0-1 ah gaadheen.
Ceebta ka dhacday halkaas ayaa ahayd in marar badan laga shiday cod fadeexad ah oo ah sawaxanka aflaanta dhaqan xumada ah.
Waxa si gaar ah ugu ceeboobay oo Studio-ha fadhiyay halyeeyga kubadda cagta England ee Gary Lineker kaas oo mar uu kusoo dhawaynayay Alan Shearer oo gegida ciyaartu ka socotay kasoo hadlayay yidhi “Ma garanayo cida codkaas samaynaysa”.
Lineker oo arrintaas xun ee sida kediska ah ugu dhacday la yaaban ayaa dhinaca kale awooday inuu si xirfadle ula tacaalo isaga oo madadaaliyay dadka daawanayay.
Ugu dambayn Lineker ayaa bartiisa Twitter-ka ku caddeeyay halka uu ka imanayay codkaas xumi oo ahayd taleefan yar oo loogu dhex qariyay halka ay ka warramayeen.