Fabinho ayaa ku haftay garoonka kulankii xulka qaranka Brazil guul-darradu kasoo gaadhay ee Cameroon ay 1-0 kaga adkaatay Jimcihii, kaas oo uu tababare Tite kusoo bilaabay kubbad-burburiyaha Liverpool oo beddelay Casemiro oo la nasiyey.
29 jirkan ayay u ahayd ciyaartii koowaad ee Koobka Adduunka ah ee uu kusoo bilowdo, waxaana uu ka mid ahaa sagaal beddel oo uu tababare Tite ku sameeyey safkiisa oo inta badan uu nasiyey ciyaartoydiisii labadii kulan ee hore uu kusoo bilaabay.
Casemiro ayaa ah ciyaartoyga uu Tite ugu kalsoonida badan yahay khadkiisa dhexe waxaana uu kusoo bilowday oo uu waliba dhamaystay labadii ciyaarood ee ugu horreeyey Koobka Adduunka. Sidoo kale, kooxdiisa Manchester United ayaa uu lama taabtaan ka yahay.
Halyeygii Chelsea iyo xulka qaranka England ee Joe Cole ayaa qiimayn ku sameeyey Fabinho, waxaana uu sharraxay sababta aanu xiddiga Liverpool ula tartami karayn Casemiro iyo waliba Fred oo isaguna kaga fursado badan Fabinho xulka qaranka Brazil.
Joe Cole oo ka hadlayay telefishanka ITV ayaa yidhi: “Waxa aan la yaabbanahay waqtiga badan ee uu Fred ciyaarayo Koobka Adduunka. Fabinho waxa uu kusoo qaatay Liverpool waqti fiican, waxaanu ahaa ciyaartoy sare wixii ka horreeyey xilli ciyaareedka.
“Kubbad soo celintiisu way fiican tahay, baaskiisa uu ciyaartoyda hore gaadhsiinayaa waa heersare, laakiin waxa inyar hooseeya qaabkiisa.
“Fred aniga wuu iga yaabiyey. Marka uu xidho shaadhka xulka qaranka Brazil waxa uu noqdaa ciyaartoy kale. Waxa uu ku ciyaaraa xorriyad, waxaana uu buuxiyaa boosas wanaagsan oo meelaha afka hore ah.”
Joe Cole Aayaa sidoo kale sheegay in Casemiro uu aad uga sarreeyo Fabinho iyo Casemiro tayo ahaan, sida difaacista, kubbad dhiibista iyo xataa fahamka ciyaarta. Casemiro ayaa sidoo kale ah hoggaamiye dabiici ah oo haga ciyaartoyda xulka qarankiisa Brazil.