Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Faahfaahinta Rabshadii Ka Dhacday Garoonka Ka Dib Kulankii Arsenal Ay Garaacday Tottenham

by Saed Mohamed
January 15, 2023
0
Faahfaahinta Rabshadii Ka Dhacday Garoonka Ka Dib Kulankii Arsenal Ay Garaacday Tottenham

Ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Arsenal 2-0 ku garaacday Tottenham, waxaa dhacay rabshad ay qeyb ka ahaayeen ciyaartoyda iyo taageerayaasha labada kooxood.

ADVERTISEMENT

Xiisada garoonka ayaa sarre u kacday dhamaadkii ciyaarta markii uu taageere Tottenham ah haraantiyay goolhayaha Arsenal Aaron Ramsdale.

Goolhayaha Arsenal ayaa markii hore waxay isku dhaceen weeraryahanka Tottenham Richarlison durbadii ay ciyaarta dhamaatay.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa si carro leh madaxa uga riixay Ramsdale. Laakiin goolhayaha ayaa ka dhaqaaqay oo doontay caagada biyaha ee u taalay garoonka dhinaciisa.

ADVERTISEMENT

Waana waqtigaas markii taageere Tottenham ah uu haraantiyay goolhayaha Arsenal isagoo durbadiiba damcay inuu baxsado.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa durbadiiba ku soo cararay goobta si ay xiisada u dejiyaan madaama Ramsdale uu doonayay inuu ka daba cararo goolhayaha.

Waxaa qabqabtay Zinchenko ka hor inta uusan goobta ka kaxeynin tababare Mikel Arteta oo ciyaartoydiisa ku amray inuu ku hor dabaaldegaan taageerayaashooda.

Granit Xhaka oo isaguna dagaal diyaar u ahaa ayuu tababare Arteta ka soo kaxeeyay goobta isagoo u soo jiiday dhanka taageerayaasha Arsenal.

Falka uu ku kacag taageeraha haraantiyay goolhaye Ramsdale waxaa durbaba cambaareeyay ururka ciyaartoyda Ingariiska ee PFA oo sheegay inaan la aqbali karin in ciyaartoyda la waxyeeleeyo.

ADVERTISEMENT

Boliiska ayaa haatan baaraya taageeraha haraantiyay Ramsdale, waxaana lala tiigsan doonaa sharciga.

Share559Tweet349
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.