Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Erik ten Hag Oo Sharaxay Sababta Rasmiga Ah Ee Luke Shaw Uu Uga Ciyaarayo Booska Daafaca Dhexe

by Saed Mohamed
December 27, 2022
0
Erik ten Hag Oo Sharaxay Sababta Rasmiga Ah Ee Luke Shaw Uu Uga Ciyaarayo Booska Daafaca Dhexe

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in codsi uga yimid Luke Shaw inay keentay in daafaca bidix laga ciyaarsiiyo booska daafaca dhexe kulanka Nottingham Forest.

ADVERTISEMENT

Xiddiga Ingariiska ayaa lagu soo daray shaxda Red Devils ee kulanka ay la ciyaarayaan kooxda u sharaxan inay heerka labaad u dhacdo xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxaa dad badan ka yaabiyay booska uu Erik ten Hag geeyay Luke Shaw.

Waxa uu Luke Shaw u doortay inuu daafac dhexe ka garab ciyaaro Raphael Varane oo isna soo laabtay halka Tyrell Malacia uu ka dheelayo booska daafaca bidix.

ADVERTISEMENT

Inkastoo Shaw uu booskiisa aheyn daafaca dhexe hadana tababare Erik Ten Hag ayaa sheegay in ciyaaryahanka uu codsaday inuu booskaas ka dheelo madaama seddex daafac dhexe ay kooxda ka maqnaayeen ka dib Koobkii Adduunka.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023

Tababare Ten Hag ayaa ciyaarta ka hor yiri: “Shaw isaga ayaa dalbaday inuu ka dheelo daafac dhexe todobaadkii hore. Qasab ayay nagu aheyd inaan xal u raadino booskaan, taas ayaana sameyneynaa.

“Ciyaartoyda waa kuwa khibrad leh, wayna garanayaa shaqadooda. Waxaa iga dhaadhacsan inay yihiin koox fiican.”

Waxaa la sugayaa in la arko ilaa iyo mudada uu Shaw ka sii ciyari doono booska daafaca dhexe.

Lisandro Martinez ayaa fasax dheeri ah la siiyay ka dib marki uu Koobka Adduunka la qaaday Argentina halka Harry Maguire uu xumad ku seegay kulankii Carabao Cup ee ay ka badiyeen Burnley.

ADVERTISEMENT

Kabtanka United ayaa kursiga keydka fadhiya kulanka caawa ee Nottingham Forest.

Share424Tweet265
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa is-casilaya maalin kaddiib markii ay soo baxday fadeexaddii ugu xumayd...

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.