Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Erik ten Hag Oo Magacaabay SADDEX Ciyaartoy Oo Aanu Ku Jirin Wout Weghorst Oo Uu Kusoo Daray Kooxdiisa Ka Hor Ciyaarta Man City

by Abdiwahab Ahmed
January 14, 2023
0
Erik ten Hag Oo Magacaabay SADDEX Ciyaartoy Oo Aanu Ku Jirin Wout Weghorst Oo Uu Kusoo Daray Kooxdiisa Ka Hor Ciyaarta Man City

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaaciyey magacyada saddex ciyaartoy oo uu kusoo daray kooxdiisa ka hor kulanka adag ee Manchester Derby ee galabta ay ku martigelinayaan Man City.

ADVERTISEMENT

United oo xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiis amaah ah oo ay kula soo wareegeen weeraryahanka reer Netherlands ee Wout Weghorst oo illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ku sugnaan doona Old Trafford ayaa noqday saxeexii labaad ee bishan January waxaana ka horreeyey goolhaye Jack Butland oo ay kasoo qaateen Crystal Palace.

Weghorst ayay Manchester United usoo qaadatay si uu ugu buuxiyo booska afka hore ee weerarka ee uu banneeyey Cristiano Ronaldo, halka aButland uu isaguna beddelay Martin Dubravka oo dib ugu laabtay Newcastle United.

Kobbie Mainoo iyo Facundo Pellistri oo ciyaaray kulankii bdhtamaha usbuuca ayaa uu tababare Erik ten Hag meesha ka saaray inay amaah ku baxayaan, waxaana uu xaqiijiyey in ay qayb ka yihiin kooxdiisa koowaad oo aanu ku diri doonin amaah, waxaana sidaas oo kale ah Alejandro Garnacho oo qandaraaskiisa Old Trafford ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka

ADVERTISEMENT

Mainoo waa 17 jir usbuucyadii ugu dambeeyey tababarka  la qaadanayay kooxda, sidoo kalena Garnacho iyo Pellistri ayaa iyagu horeba qayb uga ahaa tababarka, waxaana uu Ten Hag oo ka hadlayay yidhi: “Tirada ciyaartoyda aanu haysano iyo saxeexa Wout way na xoojinayaan. Waxa aanu haysanaa ciyaartooyo yaryar oo horumar samaynaya, waxaana tusaale ugu fiican ah Alejandro Garnacho laakiin sidoo kale waxaynu toddobaadkan aragnay Kobbie Mainoo iyo Facundo Pellistri. Waxay ila tahay in aanu haysano ciyaartooyo da’yar ah oo wanaagsan oo u dagaallamaya inay daqiiqadahooda helaan.”

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share364Tweet228
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.