Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa magacaabay liiska kooxaha ku tartamaya horyaalka Premier League oo uu tiradooda ka dhigay lix, balse waxa uu meesha ka saaray Arsenal oo hoggaaminaysa horyaalka.
Gunners oo shan dhibcood ka horreysa Man City oo kaalinta labaad ku jirta, ayaa guuleysatay 12 ka mid ah 14kii ciyaarood ee ay dheeshay, waxaanay la kulantay hal guul-darro oo kaliya oo ahayd ciyaartii Man United ee bishii September.
Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlayay ayaa la weydiiyey kooxaha sannadkan ku tartamay horyaalka Premier League, waxaana uu si lama filaan ah u soo qaataykooxo aan si dhab ah ugu jirin loollanka halka uu ka tegay Arsenal, waxaana uu yidhi: “Duruufaha kooxaha Premier League way kala duwanayeen shantii ama tobankii sannadood ee tegay. Tartanku aad buu u adag yahay.
“Newcastle ayaa soo gelaysa, xataa West Ham inkasta oo aanay hadda ku jirin miiska tartanka, laakiin maalgelin badan ayaa lagu sameeyey.
“Spurs ayay hubaal tahay inay tartamayso, umana baahni in aan ka hadlo Manchester City, Liverpool ama Chelsea. Waxa aad si degdeg ah u tirin kartaa toddoba ama siddeed kooxood oo ku tartamaya horyaalka.
“Wax walba waxay noqonayaan istaraatiijiyad, kaliya lacagta ma aha. Haddii aanad haysanin ciyaartoyda saxda ah iyo ciyaartooyo tayo leh ma noqon doontid mid guuleysta oo gaadha hiigsigiisa.”