Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa ka walaacsan labada difaac dhexe ee Lisandro Martinez iyo Raphael Varane oo dib uga dhacaya waqtigii ay ahayd inay kusoo laabtaan garoomada, kaddib finalkii Koobka Adduunka ee ay u ciyaareen xulalkooda Argentina iyo France.
Lisandro Martinez ayaa dabbaal-deg farxadeed ugu baxay dalkiisa Argentina oo dhamaan ciyaartoyda xulkiisu ay ku laabteen markii ay ku guuleysteen Koobka Adduunka, waxaana uu geli doonaa maalmo fasax ah oo uu lasoo qaadan doono qoyskiisa.
Sidoo kale, Varane ayaa ku laabtay Faransiiska isaga oo niyad-jabsan oo Koobka Adduunka ay rikoodheyaal kaga qaadday Argentina, waxaana isaguna uu gelayaa fasax si uu isku illowsiiyo waqtiga adag.
Manchester United oo ay ka maqan yihiin labadeeda difaac dhexe ee uu ugu kalsoonida badan yahay Erik ten Hag ayaa caawa la ciyaari doonta Burnley wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup, waxaana ugu xigi doona laba ciyaarood oo Premier League ah oo la sheegay in aany qayb ka noqon doonin Varane iyo Martinez.
December 27 ayay Red Devils la ballansan tahay Nottingham Forest, sannadka cusubna waxay u tegi doonaan Wolves oo ay ku booqan doonaan Molineux Stadiium, waxaana la xaqiijiyey in kulanka Nottinghm aanu midkoodna ciyaari doonin Varane iyo Martinez, sidoo kalena uu shaki ku jiro ciyaarta Wolves.
Varane ayaa la sheegay inuu kasoo horreyn doono Lisandro Martinez oo ay suurtogal tahay inuu kasoo gaadho kulanka Wolves.