Xulka Ingariiska ayaa si raaxo leh ugu soo baxay wareega 8da Koobka Adduunka ka dib markii ay 3-0 ku xasuuqeen xulka heysta Koobka Qaramada Afrika ee Senegal.
Goolal ay kala dhaliyeen Jordan Henderson, Harry Kane iyo Bukayo Saka ayay England ku xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega xiga iyagoo la balansan xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France.
Senegal ayaa ciyaarta si fiican ku bilaabatay waxayna abuureen fursado iyadoo fursadii ugu fiicneyd uu si fantastik ah uga badbaadiyay goolhaye Pickford.
Laakiin waxay xal u waayeen xiddiga u soo baxay England Jude Bellingham oo cagta la maray ka dib markii daqiiqadii 38aad kubad uu ka soo shaqeeyay uu u dhigay Jordan Henderson oo ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Mendy.
Ka hor dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta England ayaa heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta, waxaa mar kale udub dhexaad u ahaa Bellingham oo kubada khadka dhexe ka soo jiiday ka hor inta uusan u dhigin Foden oo isna u sii dhigay kabtanka Ingariiska oo shabaqa ku aasay.
Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay xulka Seddexda Libaax hogaanka ku hayeen.
Markii la isku soo noqday Senegal waxay u baahneyd inay jawaab celin degdeg ah bixiso laakiin way ku guuldareysteen taas bedelkeeda England ayaa gool seddexaad ku aamusisay daqiiqadii 57aad.
Xiddiga Man City Phil Foden ayaa garabka midig kubad uga soo dhigay Bukayo Saka oo si sahlan u daba mariyay goolhaye Mendy. Waa goolkii 3aad ee xiddiga Arsenal uu ka dhaliyo Koobka Adduunka seddex kulan uu saftay.
Guusha England waxay ka dhigan tahay inay u gudbeen wareega sideed dhamaadka iyagoo wajahaya tijaabadii ugu adkeyd abid madaama ay la ciyaarayaan xulka difaacanaya koobkaan ee France oo maanta ka soo gudubtay Poland.