England Oo Sagxadda Hoose Ee UEFA Nations League Ugu Dhaadhacay Guul-darro Uu Talyaanigu U Xambaariyey, Jarmalka Oo Laga Naxsaday Iyo Natiijooyinka Kulamadii Kale Ee Dhacay

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay dhiggooda England kulan ka dhacay garoonka San Siro ee magaalada Milan oo ka tirsanaa UEFA Nations League, waxaana dal kala saaray gool madi ah oo uu qaybtii labaad dhaliyey Giacomo Raspadori.

Ciyaar aad loo xiisaynayay natiijadeeda oo ay Ingiriisku doonayeen in ay kaga aargoostaan Talyaaniga oo finalkii Euro 2021 ee garoonka Wembley ay rikoodheyaasha koobka kaga qaadeen ayaa waxa libinta taageereyaashiisa kula dabbaal-degay Talyaaniga oo waddankiisa lagu ciyaarayay.

Kulankan oo inta badan ay ciyaarta ku gacan sarreeyeen ciyaartoyda xulka qaranka England ayaa waxa qaybtii hore lagu dagaallamay khadka dhexe iyadoo weeraryahannada laga fogeynayay goolasha, hase yeeshee Harry Kane iyo Gianluca Scamacca ayaa uu mid walba helay fursado gool loofishay balse aanay gool u beddelin.

Advertisements

England 2

Harry Kane ayaa madax xooggan oo uu ku qabtay aanay waxba ka midho dhalin oo uu dusha ka mariyey goolka iyadoo goolhaye Donnarumma uu laba fursadood oo dahabi ahaa ka dafiray Harry Kane.

Daqiiqaddii 68aad ee ciyaarta ayuu Giacomo Raspadori jabiyey derbiga difaaca England oo uu ka dhaliyey goolka guusha siiyey Talyaaniga, waxaana England loo diiwaangeliyey marxaladdii ugu xumayd ee tan iyo June 2014.

England ayaa ku jirta kaalinta ugu hoosaysa ee League A: Group 3 ee UEFA Nations League oo si lama filaan ah ay hoggaankiisa u qabatay Hungary oo caawa 1-0 kaga adkaatay xulka qaranka Germany oo ay waliba marti ugu ahayd Red Bull Arena.

Jarmalka oo inta badan gacanta ku hayey maamulka ciyaarta ayaa awoodi waayey in ay ka faa’iidaystaan fursado badan oo ay heleen labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana khasaare socda ahaa Timo Werner oo afka hore ee weerarka  kusoo bilowday, iyaga oo awoodi waayey in ay ka daba yimaaddaan gool uu daqiiqaddii 17aad ka dhaliyey Adam Szalai.

Group-kan waxa hoggaaminaya xulka qaranka Hungry oo haysta 10 dhibcood, waxaana labaad soo galay Talyaaniga oo siddeed dhibcood ka urursaday shan ciyaarood oo ay dheeleen, waxaana saddexaad ku jira Jarmalka oo lix dhibcood haysta halka Ingiriisku ay kaliya laba dhibcood ka xoogsadeen shan ciyaarood oo ay dheeleen.

Natiijooyinka kulamadii kale ee UEFA Nations League

Advertisements

GROUP C4

Georgia 2-0 North Macedonia
Bulgaria 5-1 Gibraltar

GROUP D2

Estonia 2-1 Malta

GROUP A3

Germany 0-1 Hungary
Italy 1-0 England

GROUP B3

Bosnia-Herzegovina 1-0 Montenegro
Finland 1-1 Romania

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada