Goolhaye Emi Martinez ayaa mar kale noqday geesiga Argentina ka dib markii uu rigoore ku soo saaray xulka Argentina oo rigoore 4-3 ku garaacay Netherlands, iyadoo waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta ay barbaro 2-2 isku dhaafi waayeen.
Xulka Holland ayaa khabriga ka soo laabtay waqtigii dhimashada ciyaarta markaasoo iyadoo lagu hogaaminayo 2-1 islamarkaana seeriga afka lagu hayo ay barbareeyeen Argentina.
Balse Argentina ayaa ugu danbeyn rigooradii ku badisay ka dib markii Emi Martinez uu labo rigoore ka qabtay Berghuis iyo Virgil van Dijk, iyadoo Lautaro Martinez uu dhaliyay rigooradii Argentina u soo saaray semi-finalka iyagoo la ciyaari doona Croatia oo maanta rigoore ku soo garaacday Brazil.
Labada xul ayaa ciyaarta ku bilowday si taxadar leh iyadoo qaabkooda ciyaarta uu gabi ahaanba kala duwanaa. Netherlands waxay doonayaan inay koontaroolaan laxanka ciyaarta iyagoo sameynayay baasas badan halka ay Argentina ay dooneysay inay ciyaarta kubad degdegsiimo leh.
Lionel Messi ayaa daqiiqadii 35aad ciyaarta waji u yeelay markii kubad uu soo jiiday uu si daymo la’aan ah ugu baasay Nahuel Molina kaasoo kubada ku taabtay shabaqa ka hor inta uusan soo gaarin Virgil van Dijk,
Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay goolkaas ay 1-0 ku hogaamineysay Argentina. Qeybtii labaad labada kooxood ayaa halkooda ka sii waday kubadii weerar iyo weerar celiska aheyd iyadood daqiiqadii 64aad uu Messi u dhawaaday inuu laado xor ah dhaliyo laakiin si ciriiri ah ayay ku dulmartay goolka.
Daqiiqadii 71aad Argentina waxaa loo dhigay rigoore markii Denzel Dumfries uu geeska xerada ganaaxa qalad ku galay Acuna. Waxaa rigoore u soo istaagay Lionel Messi oo gool u sarifay, wuxuuna goolkaas ku barbareeyay rikoodhkii Gabriel Batistuta ee Argentina ee Koobka Adduunka iyagoo wada leh haatan 10 gool.
Netherlands oo qeybtii labaad ciyaar fiican soo bandhigeysay ayaa ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 83aad markii karoos uu soo dhigay Berghuis uu madax ku dhaliyay Wout Weghorst oo ciyaarta ka dhigay 2-1.
Seddex daqiiqo ka dib Netherlands ayaa ku dhawaatay inay ciyaarta barbareyso markii kubad uu De Jong uu u dhigay Berghuis uu darbo gantaal ah ku beegtay goolka, waxay darbada ku dhacday xiddig Argentina ah ka hor inta aysan geeska shabaqa ku dhicin.
Daqiiqadii 89aad ciyaartoyda labada dhinac ayaa ku dhawaaday inay gacanta iskula tagaan markii Leandro Paredes oo laga dhigay qalad uu ku galay Ake uu arkay kubada oo sii baxeysa, wuxuuna si xoogan ugu sii darbeeyay ciyaartoyda kursiga keydka Netherlands.
Van Dijk ayaa durbadiiba goobta soo gaaray isagoo xabadkiisa ku kala tuuray Paredes, waxay labada ciyaaryahanba qaateen calaamada hurdiga.
Ciyaarta ayaa lagu daray 10 daqiiqo oo dheeri ah iyadoo Netherlands ay u muuqatay mid quusatay madaama Argentina ay kubada difaacanayeen laakiin daqiiqadii ugu danbeysay ee 10kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ayaa Netherlands loo dhigay laad xor ah meel aan ka fogeyn goolka.
Waxaa laadka xorta ah dul istaagay Teun Koopmeiners kaasoo iska dhigay inuu beegsanayo goolka laakiin wuxuu baas u dhex bixiyay Weghorst oo ku guuleystay inuu dabamariyo goolhaye Martinez, taasoo ka dhigtay in waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta ay ku dhamaato barbaro 2-2 ah.
30 daqiiqo dheeri ah ayaa lagu daray ciyaarta laakiin labada xul waa ay is dhaafi waayeen iyadoo Argentina ay fursado badan abuurtay, waxaa fursadaha qaar ka badbaadiyay goolhayaha Netherlands halka Fernandes uu dhamaadkii ciyaarta birta garaacay, waxaana ugu danbeyn la isla tagay rigoore.
Goolhaye Emi Martinez ayaa mar kale Argentina rigoore ku soo saaray isagoo labo rigoore ka qabtay Berghuis iyo Virgil van Dijk taasoo u ogolaatay Argentina oo iyagana rigoore iska qasaariyay inay 4-3 ku badiyaan.
Argentina waxay la balansan tahay semi-finalka xulka Croatia.
Ciyaartaan hada soo daawsday ba iiga sheekeeseen mahadsanidin 😁
Waar heedhe adiga laguu sheegi maaye’e ninkaan daawan baa loo sheegayaa balse qaladbaabad comment ugu bixineysaa. Maxaad ka akhriyeysaa hadii aad soo daawatey layaab. Marka la leeyahay waxaa jira IQ hooseeyo waa caynkaa.
Laacib aad bey ugu mahadsan yihiin hawshay hayaan
aadbaad u mahadsantihiin indhahaygaan kusoo daawaday hadana waan akhristay
Arjatin tha best