El Clasico, Champions League Iyo Kulamada Uu Seegayo Difaaca Barcelona Ee Jules Kounde Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu wargeliyey in ay waayi doonaan difaacooda Jules Kounde kulamada muhiimka ah ee soo socda, kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii xulka qaranka France uu Khamiistii 2-0 kaga adkaaday Austria oo daqiiqadihii ugu horreeyey laga saaray.

Jules Kounde oo kusoo bilowday ciyaartaas, ayaa waxa uu garoonka dhex fadhiistay daqiiqaddii 20aad oo uu sii wadan kari waayey ciyaarta, waxaana uu Didier Deschamps go’aansaday in uu ku beddelo William Saliba oo dhamaystay kulanka.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa xaqiijiyey in dhaawaca Jules Kounde uu culus yahay oo aanu qayb ka noqon doonin kulanka Denmark ee Axadda, waxaana maantaba lagu sameeyey baadhitaano hordhac ah.

Advertisements

Sida ay wararka hordhaca ah sheegayaan, Jules Kounde ayaa uu dhaawacu kasoo gaadhay muruqa lugta, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo laba illaa afar toddobaad ah, sida ay muujiyeen sawirradii maanta laga qaaday, waxaanay taasi ka dhigan ka dhigan tahay in uu ka maqnaanayo kulamada horraanta bisha October ee muhiimka ah.

Barcelona ayaa ka walaacsan in haddii uu dhaawacani qaato muddo afar usbuuc ah, in uu Kounde ka maqnaado ciyaarta El Clasico ee Real Madrid ay ku booqanayaan Santiago Bernabeu badhtamaha bisha dambe ee October, halka sidoo kalena uu seegi karo labada kulan ee Inter Milan ee Champions League.

Waxa kale oo Barcelona xalay ka dhaawacmay ciyaartoyda kale ee Memphis Depay, Frenkie de Jong iyo Ousmane Dembele.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada