Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Eduardo Camavinga Oo Afka Furtay Kaddib Dalab Uu Ka Helay Arsenal

by Abdiwahab Ahmed
January 21, 2023
0
Eduardo Camavinga Oo Afka Furtay Kaddib Dalab Uu Ka Helay Arsenal

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la sheegay inay diyaarinayso dalab ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Eduardo Camavinga oo ay ku doonayaan amaah illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah, kaas oo aan la xaqiijin xilliga ay dalabkiisa gaadhsiin doonaan Blancos.

ADVERTISEMENT

Saacado kaddib markii uu soo baxay warkan, waxa saxaafadda la hadlay wakiilka Eduardo Camavinga oo sida la fahamsan yahay ogolaansho ah inuu jawaabo ka haysta xiddiga reer France, waxaana uu hoos u dhigay hadal-haynta arrintan.

Wakiilka Eduardo Camavinga ayaa waxa uu sheegay, in aanay waxba kala soconin wararka sheegaya in Arsenal ay doonayso kubbad-sameeyahan Real Madrid, isla markaana ay warbaahinta oo kaliya ku arkeen warkan.

Joshua Barnett oo la  hadlay wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa wax laga weydiiyey Eduardo Camavinga, waxaana uu ku jawaabay: “Waxba kama jiraan, runna ma aha [warka Eduardo Camavinga ku xidhiidhinaya Arsenal]. Dabcan koox kasta oo dunida ah way jeclaan lahayd isaga, laakiin waxa uu aad ugu faraxsan yahay Real Madrid, kooxdiisa Real Madrid na aad ayay ugu faraxsan tahay Camavinga.”

Arsenal ayaa waxay haysataa toban maalmood oo ka hadhsan waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda oo ay ku qancin karayaan Eduardo Camavinga iyo kooxdiisa Real Madrid, inkasta oo ay adag tahay in Los Blancos ay faraxdo xiddigeedan sababtoo ah dhaawacyada ragaadiyey xiddigaheeda khadka  dhexe ee Luka Modric iyo Aurelien Tchouameni.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

February 6, 2023
Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

February 6, 2023
Share799Tweet500
ADVERTISEMENT

Related Posts

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Musiibo weyyn ayaa ku habsatay waddanka Turkiga oo dhul-gariir weyn oo ka dhacay ay ku dhinteen dad tiradooda sare loo...

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

by Saed Mohamed
February 6, 2023
0

Xubin ka tirsan Arsenal ayaa gudoomiye u noqonaya guddiga madaxa banaanka ee loo xilsaaray eedeymaha loo heysto Manchester City ee...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.