Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Didier Deschamps Oo Xaqiiqada Ka Sheegay Guushii Xulkiisa France Ka Gaadhay England

by Abdiwahab Ahmed
December 11, 2022
0
Didier Deschamps Oo Xaqiiqada Ka Sheegay Guushii Xulkiisa France Ka Gaadhay England

Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa qirtay, in dalkiisu uu nasiib kaga badiyey England, waxaana uu amaan u jeediyey xulka Ingiriiska oo uu sheegay inay soo bandhigeen ciyaar aad u sarraysa.

ADVERTISEMENT

Aurelien Tchouameni iyo Olivier Giroud ayaa Faransiiska u diray semi-finalka oo ay kula ballansan yihiin Morocco, waxayse ku sigteen in dhamaadkii ciyaarta laga dhaliyo goolka barbarraha iyadoo England oo bilowga qaybta labaad rikoodhe heshay uu rikoodhe kale oo loo dhigay ka lumiyey Harry Kane.

Didier Deschamps oo ka hadlay guusha xulkiisu ka gaadhay England ee ay ugu gudbeen semi-finalka, ayaa waxa uu sheegay in ay ahayd ciyaar weyn, ayna la dheeleen waddan cajiib ah oo awooddiisa farsamo iyo jidheed ba aad u sarrayso.

Waxa kale oo uu caddeeyey in ay nasiib lahaayeen oo uu waqtigu saacadiday, waxaanu yidhi: “Waxay ahayd ciyaar weyn, waxa aanu la ciyaarnay England oo ah xul heersare ah oo farsamadooda iyo awooddooda jideedba xooggan tahay.

ADVERTISEMENT

“Wax cajiib ah ayay u tahay ciyaartoyda inay mar kale yimaaddeen afarta ugu dambaysa. Nasiib yaanu lahayn inkasta oo aanu isku keenay laba rikoodhe, laakiin waxa  aanu ilaashanay hoggaankayaga anaga oo kaashanayna qalbigayaga.”

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Faransiiska ayaa waxay Arbacad la ciyaari doonaan Morocco, waxaana midkooda soo baxaa uu finalka ugu tegi doonaa Argentina iyo Croatia midkooda soo adkaada Salaasada.

ADVERTISEMENT
Share354Tweet221
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.