Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Dhulka Ayuu Jiidayaa” – Rio Ferdinand Oo Isbarbar-dhig Ku Sameeyey Casemiro & Thomas Partey

by Abdiwahab Ahmed
January 18, 2023
0
“Dhulka Ayuu Jiidayaa” – Rio Ferdinand Oo Isbarbar-dhig Ku Sameeyey Casemiro & Thomas Partey

Halyeyga Manchester UNited ee Rio Ferdinand ayaa  isbarbar-dhig ku sameeyey xiddigaha khadka dhexe ee Casemiro iyo Thomas Partey ka hor ciyaarta labadooda kooxood ee Axadda, taas oo si weyn isha loogu hayo dagaalka khadka dhexe ku dhax mari doona labadan ciyaartoy.

ADVERTISEMENT

Kubbad-burburiyaha Brazil ee Casemiro oo xagaagii ay Manchester United lacag gaadhaysa £70 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Real Madrid ayaa waxa uu si fiican ula jaan-qaaday horyaalka Premier League.

Khadka dhexe  ee Manchester United ee kala daadsanaan jiray ayay Casemiro iyo Eriksen ka dhigeen mid soo noolaaday, waxaana uu Ferdinand rumaysan yahay in uu laacibkani u dheelayo sidii Paul Schoels iyo Michael Carrick oo kale.

Isaga oo kahadlayay bartiisa YouTube-ka ee FIVE, ayaa waxa  uu sidoo kale soo qaaday Thomas Partey oo khadka dhexe uga ciyaara Arsenal oo laba sannadood ka hor kala soo wareegtay Atletico Madrid, waxaana  uu yidhi: “Marka aad eego midkooda u muhiimsan kooxahooda, waad ku marmi karaan labada dhinacba, laakiin xogta la diiwangeliyey waxay sheegaysaa, in Casemiro uu dhulka jiiday Partey. Ilama aha in Partey uu aad ugu fiican yahay difaacista marka loo eego waxa uu samaynayo Casemiro.

“Ilama aha in uu Thomas Partey saamaynta Casemiro oo kale ku leeyahay difaaca.”

Kulanka Axadda ee Arsenal iyo Manchester United ayaa  muhiim u ah labada dhinacba, waxaanay Gunners ku dedaali doontaa inay ka aargoosato Manchester United oo aha kooxda kaliya ee xilli ciyaareedkan ka badisay horyaalka Premier League.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023
Share610Tweet381
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.