Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhibaatoon doonta sidii ay ciyaartoyda cusub ee ay la saxeexdeen uga diiwaangelin lahaayeen UEFA si ay ugu ciyaaraan tartanka Europa League, waxaana hadda go’aamo adag oo madax-xanuun ah laga sugayaa inuu qaato tabbaare Mikel Arteta.
Gunners ayaa waxay Isniintii ku dhawaaqday heshiiska daafaca reer Poland ee Jakub Kiwior oo ay £21 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda horyaalka Talyaaniga ee Spezia, waxaanay sidoo kale raadinayaan difaaca midig ee kooxda Real Valladolid ee Ivan Fresneda oo la rumaysan in uu Mikel Arteta kusoo xidhan doono suuqa iibka ciyaartoyda.
Waxa kasii horreeyey oo toddobaadkii ay £27 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Brighton & Hove Albion xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard. Waxa kale oo soo baxaya warar sheegaya in Mikel Arteta uu qorshaynayo inuu amaah kula soo wareego ciyaartoy khadka dhexe ka xoojiya naadigiisa.
Si kastaba, Mikel Arteta ayaa ay UEFA u diidi doontaa inay u diiwaangeliso ciyaartoydiisa cusub si ay ugu ciyaaraan Europa League haddii aanu liiskiisii hore ka saarin qaar ka mid ah xiddigihiisa kooxda koowaad.
Arsenal oo usoo gudubtay wreegga 16ka Europa League, ayaa waxa loo ogol yahay in ay 25 ciyaartoy u gudbiso UEFA, kuwaas oo ay ku jirayaan labada cusub, laakiin cqbadda jirta ayaa waxay tahay, in sharciga UEFA uu dhigayo in wawreegga 16ka tartamada Yurub loo diiwaangelin karo kooxaha ugu badnaa saddex saxeex.
Waxay tani ka dhigan tahay, in Arsenal aan loo diiwaangelin doonin haddii ay la saxeexdaan ciyaartooyo kale sababtoo ah waxa ka buuxsamaya liiska ciyaartoyda kooxda iyo waliba tiradii laga doonayay ee ugu badnaan saddexda ahaa.
Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, Matt Turner, James Hillson
Difaacyahanno: Kieran Tierney, Ben White, Gabriel Magalhaes, William Saliba, Rob Holding, Cedric Soares, Takehiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko
Khadka Dhexe Thomas Partey, Martin Odegaard, Fabio Vieira, Albert Sambi Lokonga, Mohamed Elneny, Granit Xhaka, Matt Smith
Weerarka: Gabriel Jesus, Emile Smith Rowe, Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Eddie Nketiah, Reiss Nelson, Marquinhos