Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Dhakhtarka Lionel Messi Oo Doonaya In Xulka Argentina Laga Badiyo Dhamaan Kulamada Wareegga Group-yada

by Abdiwahab Ahmed
November 21, 2022
0
Dhakhtarka Lionel Messi Oo Doonaya In Xulka Argentina Laga Badiyo Dhamaan Kulamada Wareegga Group-yada

Dhakhtarka Lionel Messi oo lagu magacaabo Diego Schwarzstein ayaa sheegay inuu doonayo in xulka qaranka Argetnina laga badiyo oo ay guul-darraystaan dhamaan kulamada wareegga group-yada ee Koobka Adduunka, isla markaana ay sidaas kaga hadhaan.

ADVERTISEMENT

Schwarzstein ayaa qayb weyn kasoo qaatay waayaha ciyaareed ee Lionel Messi iyo noloshiisaba, isaga oo ka daaweeyey xanuun yaraantiisii ku dhacay oo saamayn ku yeesha korriinka xubnaha jidhka oo loo yaqaano Groth Hormone Deficiency.

Afar sannadood kaddib markii uu Schwarzstein ka daaweeyey Lionel Messi xanuunkan, ayaa waxa uu u wareegay Barcelona oo uu ku biiray kulliyaddeeda da’yarta, isaga oo halkaas kusoo bbarbaray, uguna soo dallacay kooxda koowaad.

Waqtiga uu Messi xanuunkani ku dhacay waxa uu ka tirsanaa kooxda Newell’s Old Boys, waxaana nasiib wanaag helay dhakhtarkan oo daaweeyey, balse hadda doonaya in xulka Argentina laga badiyo dhamaan kulamada wareegga koowaad si ay uga hadhaan Koobka Adduunka.

Diego Schwarzstein oo waraysi siiyey wargeyska The Times, ayaa waxa uu sheegay, in aanu doonayn in Argentina ay xataa hal ciyaar badiso Koobka Adduunka, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan taageeraa kubadda cagta, waanan jeclaan lahaa in Argentina ay ku guuleysato Koobka Adduunka, laakiin muwaadin Argentine ahaan iyo binu-aadam ahaanba, waxa aan jeclaan lahaa in Argentina guul-darraysato saddexda ciyaarood ee group-yada, lagana reebo Koobka Adduunka oo ay group-yada ku hadhaan.”

Isaga oo sharraxaya sababta, waxa uu Diego Schwarzstein intaa ku daray: “Sababtoo ah, dawladda halkan [Argentina] ka jirta  ee liidata, waxa haddii Argentina ku guuleysato koobka adduunka  ay u isticmaali doontaa inay ku daboosho fashilkeeda. Waxay shaacin karaan in lacagta dalku dhulka gushay isla maalinta ay kooxdu ciyaarayso, iyadoo ay dadku kasii jeedaan.”

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Share394Tweet246
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.