Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa Salaasadii ciyaar saaxiibtinimo ku xasuuqday Brentford oo ay ku burburisay 5-1, laakiin tababare Graham Potter ayaa si niyad-jab ah kaga baxay garoonka markii uu arkay xiddigii difaaca ee ugu qaalisanaa kooxdiisa oo markii labaad dhaawac soo gaadhay.
Daafaca reer France ee Wesley Fofana ayaa ciyaaray kulankan saaxiibtinimo ee Salaasadii oo uu saddexlay goolal ah dhaliyey Kai Havertz, balse waxa uu Fofana ku baxay dhaawac kasoo gaadhay jilibka, kaas oo Arbacada maanta ay dhakhaatiirtu ku samayn doonaan baadhitaano.
Fofana oo ay Blues xagaagii kaga soo iibsatay Leicester City lacag gaadhaysa £70 milyan oo Gini, ayaa waxa bishii October soo gaadhay dhaawac jilibka ahaa kulankii Champions League ee AC Milan, hase yeeshee tababarka ayaa uu dib ugu soo laabtay usbuucyo ka hor.
Potter ayaa rajaynayay in Fofana uu diyaar u noqon doono kulamada horyaalka Premier League ee dib uu bilaabanaya toddobaadka dambe, balse taasi ma aanay dhicin, waxaana laa sheegay in uu garoonka kaga baxay dhaawac mar kale kasoo gaadhay jilibka.
Blues oo sidana oo kale uu ciyaaartii saaxiibtinimo ee Aston Villa uu ugaga dhaawacmay Armando Broja oo xilli ciyaareedka oo dhan ka maqnaan doona garoomada, ayaa waxa mar kale gilgilay dhaawaca kusoo labo-kacleeyey Wesley Fofana.
Dhinaca kale, Reece James oo dhaawac jilibka ah ku seegay Koobkii Adduunka ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay garoomada, waxaana uu ciyaaray 45 daqiiqadood kulankii saaxiibtinimo ee Brentford.
Chelsea ayaa waxay ciyaarteeda ugu soo horreysa ee horyaalka Premier League kula ballansan tahay Bournemouth oo ay December 27 ku qaabbili doonto Stamford Bridge, waxaana Potter saaran culays weyn maadaama ay kooxdiisu kaalinta siddeedaad kaga jirto miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.