Halyeeyga kubada cagta Brazil Pele ayaa loo cararay cusbitaal ku yaala magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil.
Wararka ayaa sheegay in 82 jirkaan uu jirka oo dhan ka wada bararay madaama uu la tacaalayo cudurka kansarka.
Xiddiga seddexda jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa waxaa cusbitaalka u qaaday xaaskiisa Marcia Aoki oo 56 sanno jir ah.
ESPN Brazil ayaa sidoo kale sheegtay in dhaqaatiirta ay ka heelen Pele in sidoo kale uu wadno xanuun daran qabo.
Pele ayaa la dhibtoonayay cudurka kansarka laakiin waxaa la sheegayaa in daawadii uu u qaadanayay aysan noqonin mid wax tarta.
Baaritaano kale ayaa maanta lagu sameeyay Pele kaasoo la sheegay inuusan awoodin inuu isquudiyo.
ESPN ayaa sheegtay in qoyskiisa iyo dhaqaatiirta inay ka walwalsan yihiin caafimaadkiisa madaama daawadii kansarka ay waxba tari weysay.
Pele ayaa sidoo kale isku dhex yaacay dhanka maskaxda isagoo noqday ruux la celceliya ka dib markii la geeyay cusbitaalka Albert Einstien ee magaalada Sao Paulo.
Sannadihii u danbeeyay waxa uu ahaa mid si joogta ah u booqanayay cusbitaalka madaama caafimaadkiisa uu ka darayay.