Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: Xiddigii Uu Zidane Ku Tilmaamay ‘Mid Ka Mid Ah Xiddigihii Ugu Wanaagsanaa Ee Uu La Kulmay’ Oo Geeriyooday & Murugada Ku Habsatay Kubadda Cagta

by Abdiwahab Ahmed
December 26, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Baroor-diiq iyo murugo ayaa ku habsaday dunida kubadda cagta, waxaana lasoo xaqiijiyey geerida ku timid xiddigii uu Zinedine Zidane ku tilmaamay inuu ka mid yahay ciyaartoydii ugu fiicnaa ee abid uu ku arko garoomada, kaas oo maanta oo Isniin ah la xaqiijiyey inuu dhintay.

ADVERTISEMENT

Farriimaha tacsida ayaa  qarqiyey baraha bulshada, waxaana xiddigihii waaweynaa kubadda cagta iyo kuwa haddaba ay tacsi u dirayaan Fabian O’Neill oo mar dhoweyd geeriyooday.

Sabtidii ayaa cusbitaalka loola cararay Fabian markii uu koomo degdeg ah galay isaga oo muddo la  dhibaatoonayay xanuun beerka ah, waxaanu waqtigiisii kusoo dhamaaday koomada uu galay.

Fabian ONeill

ADVERTISEMENT

Xiddigan hore ee xulka qaranka Uruguay ayaa dhimashadiisa waxa ku dhawaaqay xidhiidhka kubadda cagta ee Uruguay oo war-saxaafadeed ay soo saareen ku yidhi: “Waxa aanu ka qoomamoonaynaa, kana murugaysanahay geerida naxdinta leh ee ku timid ciyaartoygayagii xulka aqaranka Uruguay ee Fabian O’Neill. Waxa aanu tacsi u diraynaa qoyskiisii iyo saaxiibbadiisii. RIP.”

Sidoo Kale Akhri

Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

January 28, 2023
HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

January 28, 2023

Fabian O’neill ayaa waayihiisa ciiyaareed kasoo bilaabay dalkiisa Uruguay sannadkii 1992kii isaga oo kusoo shaacbaxay naadiga Nacional oo uu kula guuleystay horyaalka dalkaas xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey, ka hor intii aanu tegin Talyaaniga oo uu u ciyaaray kooxaha Cagliari, Lazio iyo Juventus.

Zinedine Zidane oo ay u wada ciyaareen Juventus, ayaa ku sifeeyey sidan: “Waa ciyaartoygii ugu hibada badnaa ee aan abid arko.”

Khadka dhexe ayuu ka ciyaari jiray, waxaana 19 ciyaarood oo uu xulkiisa u dheelay uu u dhaliyey laba gool, ka hor intii aanu ciyaaraha ka fadhiisan 2003, xilligaas oo ay da’diisu ahayd 29 jir.

Waxa uu O’Neill ifka kaga tegay laba hablood iyo wiil lagu magacaabo Fabio oo u ciyaara xulka da’yarta Uruguay.
ADVERTISEMENT
Share546Tweet341
ADVERTISEMENT

Related Posts

Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Arsenal iyo guud ahaan jamaahiirta kooxdaas ayaa werwer kala laabtay kulankii FA Cup ee ay xalay ku hadheen...

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Man United ayaa isha ku haysa inay boos ka samaysato wareega shanaad ee FA Cup-ka kahor kulanka ay wareega afraad...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.