Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Xiddigii Muslimka Ahaa Ee Ronaldo Ka Eryey Al-Nassr Oo Si Xun Loola Dhaqmay

by Abdiwahab Ahmed
January 7, 2023
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Kooxda kubadda cagta Al-Nassr ayaa si xun ula dhaqantay weeraryahanka reer Cameroon ee Vincent Aboubakar, kaas oo maanta laga eyey kooxdaas iyadoo gebi ahaanba la burburiyey heshiiskii uu ku joogay horyaalka waddanka Sucuudi Carabia.

ADVERTISEMENT

Vincent Aboubakar ayaa sidii aanu hore idiinku soo gudbinay waxa booska looga saarayay Cristiano Ronaldo, laakiin marnaba lama filayn in ay ku dhacdo qaabka xun ee loola dhaqmay.

Kooxda Sucuudiga ayaa go’aan lama filaan ah ku gaadhay in ay baabi’iso heshiiskii ay kula jirtay Vincent Aboubakar oo wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka, isla markaana dhaliyey goolkii uu xulkiisu ku garaacay Brazil is-araggii saddexaad ee wareeggii group-yada oo ay Cameroon 1-0 kaga badisay Brazil.

Wargeyska Al-Riyadh ee kasoo baxa caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaaciyey, in Aboubakar la burburiyey heshiiskii uu kula jiray Al-Nassr, isla markaana xor u yahay inuu ku biiro kooxda uu doono laga bilaabo maanta oo Sabti ah.

ADVERTISEMENT

“Al-Nassr waxay go’aan ku gaadhay in ay burburiso heshiiska Vincent Aboubakar si loogu diiwaangeliyo Ronaldo oo uu ka buuxay liiska ciyartoyda ajaanibka ah ee loo ogol yahay kooxda.” Ayaa uu yidhi wargeyska Al-Riyadh.

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

January 29, 2023

Vincent Aboubakar oo lala xidhiidhinayo Manchester United ayaa uu Al-Riyadh sheegay inuu hadda xor u yahay inuu u wareego Old Trafford oo raadinaysa beddelka Cristiano Ronaldo oo isagana ay qandaraaskiisa burburisay Man United bishii November.

Si kastaba ha ahaatee, Aboubakar ayaa kaga tegaya Al-Nassr 13 gool iyo lix kale oo uu caawiye uga noqday oo ugu jiri doona diiwaankiisa Sucuudiga.

ADVERTISEMENT
Share474Tweet297
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Casemiro ayaa fariin digiin ah u diray Manchester City iyo Arsenal isagoo u sheegay inuu u soo socdo inuu soo...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.