Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

DEG-DEG: Xiddigii Liverpool & Arsenal Oo Shaaciyey Inuu Musalafay & Deynta Tirada Badan Ee Lagu Leeyahay

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
0
Breaking News

Xiddig waqti fiican kusoo qaatay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, una soo ciyaaray kooxo ay ka  mid yihiin Liverpool iyo Arsenal ayaa ku dhawaaqay inuu musalafay oo aanu wax lacag ah haysanin, isla markaana lagu leeyahay deyn ka badan £1 milyan oo Gini.

ADVERTISEMENT

39 jirkan oo mushaharooyin badan ka qaadan jiray kooxo badan oo Ingiriis ah oo uu iskaga gudbay laakiin ay ugu caansanaayeen Liverpool iyo Arsenal, ayaa waxa hortegay maxkamadda magaalada Birmingham, waxaana loo diiwaangeliyey inuu musalafaya muddo sannad ah oo aanu wax lacag ah haysanin.

Lacagta £1 milyan ee Gini ee lagu leeyahay ayaa waxa la sheegay, inuu ka qaatay meelo kala duwan, isla markaana aanu iska bixin karayn waqtigan.

Bernat

ADVERTISEMENT

Qof ka agdhow laacibkan oo ay saxaafaddu soo xigatay ayaa yidhi: “Meel kasta oo uu tago waxa lagaga leeyahay lacago kaash ah. Deynta lagu leeyahay waxay gaadhay tiro toddoba-god ah [milyan].

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023

“Deyntiisa waxa ka badan lcagta cashuuraha iyo bangiyada oo aad u badan.”

Xiddiga dhibaatadan ku jira waa weerarkii garabka ee Jermain Pennant oo hadda kiiskiisu maxkamadda ku jiro, iyadoo ay soo dacweeyeen dadka shirkadaha deymaha badan ku leh.

Sababta deyntan badan loogu yeeshay ayaa lagu sheegay in laacibkan ay ku fadhiisteen guryo uu dhisayay, isla markaana shirkaddiisa warbaahinta ee Jermaine Pennant Ltd lagla laabtay liisankii la siiyey sannadkii 2020.

Markii uu ka fadhiistay kubadda cagta ayuu Pennat la yimid hal-abuur ganacsi, waxaana ka sokow dhismeyaasha uu samaynayay iyo shirkadda warbaahinta, uu dhinaca kale kasoo muuqanayay Celebrity Big Brother iyo telefishanno uu barnaamijyo ka qaban jiray.

ADVERTISEMENT

Si kastaba, Pennant ayaa ciyaaraha ka fadhiistay sannadkii 2017 isaga oo waayihiisa ciyaareed kusoo xidhay kooxda Billericay Town.

Share519Tweet325
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.