Arsenal ayaa faraxsan, waxaanay xaqiiqasatay inay ku guuleystay saxeexii labaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, kaas oo noqonaya Jakub Kiwior oo maanta ay saxaafadda Talyaanigu ku sawirtay garoonka diyaaradaha isaga oo isku diyaarinaya duullimaad uu ku tegayo London.
Shalay ayaa la sheegay in Arsenal ay heshiis la gaadhay daafaca reer Poland ee Jakub Kiwior oo u ciyaara kooxda Spezia, kaas oo ay ka bixinayso £17.5 milyan oo Gini.
Sida uu shaaciyey wariyaha ciyaaraha ee Gianluca Di Marzio, Jakub Kiwior ayaa waxa uu maanta gellinkii hore ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Pisa isaga oo usii duulaya magaalada London oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Arsenal.
22 jirkan ayaa sida uu Gianluca Di Marzio uu sheegay waxa uu mari doonaa tijaabada caafimaadka ka hor inta aanu heshiiska saxeexin, iyadoo horena ay labada kooxood iskula meel-dhigeen qiimaha lacagta ay ku kala iibsanayaan.
Jakub Kiwior oo kasoo baxay kulliyadda da’yarka kooxda FK Zeleziarne Podbrezova ee waddanak Solovaia ayaa sannadkii 2019 waxa uu u wareegay naadiga Zilina oo uu usii dhaafay Spezia sannadkii 2021, taas oo heshiis afar sannadood ah oo uu u saxeexay isaga oo badhtamaha kaga jira ay Arsenal gacnta ku dhigtay.
Jakub Kiwior ayaa noqonaya saxeexii labaad ee ay Arsenal samayso bishan January, waxaana ka horreeyey Leandro Trossard oo aya 27 milyan oo Gini kaga iibsadeen Brighton & Hove Albion.