Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Xiddig Ay Manchester United La Saxeexatay Xagaagii Oo Si Rasmi Ah Uga Tegay

by Abdiwahab Ahmed
January 1, 2023
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lumisay xiddig ay xagaagii la saxeexatay oo si rasmi ah uga tegay maanta iyadoo uu soo afjaray waayihiisii Old Trafford, kaddib markii uu tababare Erik ten Hag siin waayey fursad ciyaareed oo uu isku muujiyo.

ADVERTISEMENT

Dhawr bilood oo uu joogay Old Trafford kaddib, goolhaye Martin Dubravka ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii Newcastle United oo go’aansatay inay soo gabogabayso heshiiskii amaahda ahaa ee ay goolhayahan ugu dirtay Red Devils.

Dubravka ayaa laba ciyaarood oo kaliya oo ahaa Carabao Cup u saftay Manchester United, waxaana uu inta badan ku jiray kursiga kaydka iyadoo uu tababare Erik ten Hag kalsooni buuxda ku qabo David de Gea oo uu tartamada oo dhan ciyaarsiinayay.

Newcastle United ayaa go’aansatay inay burburiso heshiiskii amaahda oo ay dib ugu yeedhato goolhaye Dubravka oo illaa hadda aan xataa hal kulan oo Premier League ah kasoo muuqanin Manchester United.

ADVERTISEMENT

Dubravka

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Waqtigiisii Old Trafford ayuu Dubravka ku xasuusan doonaa inuu laba guulood ku hoggaamiyey Manchester United kulamadii Aston Villa iyo Burnley ee Carabao Cup, iyadoo ciyaartii Burnley uu sameeyey qalad sababay in laga dhaliyo gool.

Newcaslte oo uu goolhayaha koowaad u yahay Nick Pope ayaa uu kursiga kaydka  u fadhiisan doonaa, balse waxa la filayaa in fursad ka fiicani middii Manchester United laga siin doono St Jame’s Park Stadium.

War-saxaafadeed aya soo saartay Newcastle United ayaa lagu yidhi: “Martin Dubravka dib ayaa loogaga yeedhay heshiiskii amaahda xilli ciyaareedka ee Manchester United. Goolhayaha reer Slovakia waxa uu si ku-meelgaadh ah ugu biiray Red Devils bishii September, waxaana uu Erik ten Hag ciyaarsiiyey laba kulan.

“Hadda waxa uu tartan la geli doonaa Nick Pope oo sagaal ciyaarood shabaqiisa nadiif ka dhigay xilli ciyaareedkan, ahna goolhayaha ugu badan ee shabaqiisa ilaashaday.”

ADVERTISEMENT
Share455Tweet285
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.