Wariye labaad ayaa ku geeriyooday waddanka Qatar isaga oo tabinaya ciyaaraha Koobka Adduunka, kaliya 48 saacadood kaddib markii uu bakhtiyey wariyihii Maraykanka ahaa ee u ololaynayey khaniisiinta oo uu wadnuhu istaagay waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartii Argentina iyo Netherlands.
Iyadoo hadal-haynta wariyahaas hore ee Khaniisiinta u ololaynayay la hadal hayo, ayaa waxa la xaqiijiyey in haddana uu geeriyooday Khalid Al-Misslam oo u dhashay waddanka Qatar oo ahaa sawir-qaade kulamada Koobka Adduunkaa sawirrada ka gudbinayay.
Illaa hadda war rasmi ah lagama soo saarin geerida ku timid saxafigan labaad ee Khalid al-Misslam, waxaanay saxaafadda Reed Galbeedka ee ceebaha u raadinaya waddanka Qatar ay isla dhax wareegayaan warar kala duwan.
Khalid al-Misslam oo u shaqaynayay telefishanka Al Kass TV, ayaa waxa dhimashadiisa xaqiijiyey wargeyska Gulf Times ee kasoo baxa waddanka Qatar oo qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ku yidhi: “Al-Misslam oo ahaa sawir qaade reer Qatar ah ayaa si degdeg ah u dhintay isaga oo tabinaya ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda Qatar.
“Waxa aanu Ilaahay uga baryaynaa in uu u nxariisto oo uu dambigiisa dhaafo, qoyskiisana waxa aanu u diraynaa tacsi tiiraayo leh.”