Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: Tchouameni & Theo Hernandez Oo Ku Biiray Liiska Xiddigaha Ka Maqan Faransiiska & Deschamps Oo Murugaysan

by Abdiwahab Ahmed
December 16, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Xulka qaranka Faransiiska ayuu kusii faafayaa Fayraska Geela (Camel Virus) ee ka dillaacay xarunta ay tababarka ku qaadanayaan, waxaana iyadoo maanta duhurkii xanuunkooda la xaqiijiyey Raphael Varane iyo Ibrahima Konate haddana la xaqiijiyey in aanu tababarka kasoo xaadirin xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni.

ADVERTISEMENT

Lix ciyaartoy ayaan kasoo xaadirin tababarkii maanta ee xulka qaranka Faransiisku iskugu diyaarinayay finalka Koobka Adduunka ee Axadda ay Argentina ku kala calaf-qaadi doonaan.

Didier Deschamps ayaa walaacsan oo ciyaartoydiisa ku amray inay kala fogaadaan, sidoo kalena xidhaan maaskaro si aanay isku qaadsiinin fayraskan sida xawliga ah ugu faafaya.

Tchouameni

ADVERTISEMENT

Dayot Upamecano oo ahaa ciyaartoygii koowaad ee uu fayrasku ku dhacay ayaa dib ugu soo laabtay tababarka, hase yeeshee waxa wali maqan labadii ciyaartoy ee ku xigay ee uu fayrasku ku dhacay ee Adrien Rabiot iyo Kingsley Coman, waxaana maanta liiska ku biiray Ibrahima Konate iyo Raphael Varane oo iyaguna xanuunkani ku dhacay.

Sidoo Kale Akhri

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

February 6, 2023
Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

February 6, 2023

Sida  uu tabiyey telefishanka RMC ee Faransiiska xaruntiisu tahay, waxa kale oo tababarkii maanta ka maqnaaday Aurelien Tchouameni oo laf-dhabar khadka dhexe ah u ah xulka Faransiiska iyo difaaca bidix ee Theo Hernandez, kuwaas oo liiska maqaneyaasha ka dhigay lix ciyaartoy.

Tchouameni ayaa la sheegay in uu soo gaadhay dhaawac fudud oo ay suurtogal tahay in uu kasoo kabto Sabtida, balse Theo Hernandez ayaa isaguna u jiifa dhaawac jilibka ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Morocco, lamana hubo in uu taam nqoon doono iyo in kale.

ADVERTISEMENT
Share428Tweet267
ADVERTISEMENT

Related Posts

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Musiibo weyyn ayaa ku habsatay waddanka Turkiga oo dhul-gariir weyn oo ka dhacay ay ku dhinteen dad tiradooda sare loo...

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

by Saed Mohamed
February 6, 2023
0

Xubin ka tirsan Arsenal ayaa gudoomiye u noqonaya guddiga madaxa banaanka ee loo xilsaaray eedeymaha loo heysto Manchester City ee...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.