Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: Tababarihii Xulka Brazil Oo Iscasilay & Cidda Beddelaysa

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Tababarihii xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa ku dhawaaqay, in uu iscasilay oo uu iskaga tegay shaqada saacad kaddib markii uu xulka qarankiisa Brazil ka hadhay Koobka Adduunka oo ay Croatia ku garaacday rikoodheyaal.

ADVERTISEMENT

Brazil oo ka mid ahayd dalalka aadka loogu saadaalinayay Koobka Adduunka ayaa waxa rikoodheyaal 4-2 ah ku garaacday Croatia, waxaanay taasi keentay in Tite uu si degdeg ah u shaaciyo inuu ka tegay xulka.

Xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaan wali ka hadal iscasilaadda Tite uu hadda ku dhawaaqay, balse waxa la filayaa in ay war-saxaafadeed kasoo saaraan iyaga oo dhinaca kalena u ballan-qaadaya taageereyaasha xulka qaranka waqtiga la magacaabi doono beddelka Tite oo saxaafadda u sheegay in aga bilaabo ciyaartii Croatia in aanu ahayn tababaraha Brazil.

Tite

ADVERTISEMENT

Bishii February ayuu Tite sii sheegay, in uu soo gabogabayn doono muddo lix sannadood ah oo uu ahaa tababaraha xulka Brazil marka uu soo dhamaado Koobka Adduunka, waxaana waqtigii uu ballan-qaaday ay ku ekayd dhamaadka ciyaartii Croatia.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Sannadkii 2006 ayaa uu Tite noqday tababaraha Brazil, isaga oo beddelay Dunga oo shaqada ka tegay June 2016, waxaanu u hoggaamiyey Koobkii Adduunka 2018 oo semi-finalka ay soo gaadheen balse ay Belgium reebtay.

2019 ayaa uu Tite xulka Brazil kula guuleystay Copa America, halka sannadkii 2021 oo ay finalka Copa America yimaaddeen ay Argentina koobka ka qaadday.

Afar tababare ayaa la sheegay in midkood ay suurtogal tahay in uu beddelo Tite, waxaana ugu horreeya Muricy Ramalho oo hore loogu arkayay inuu beddelayo Scolari balse uu booskaas uga hormaray Dunga.

Ramalho ayaa soo layliyey kooxda Sao Paulo oo uu ku yeeshay sumcad badan, waxaana hore u dalbaday in laga dhigo tababaraha Brazil halyeygii waddankaas ee Zico.

ADVERTISEMENT

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya kaddib iscasilaadda Tite, ayaa waxay sheegayaan in ay sidoo kale suurtogal tahay in Zico uu noqdo tababaraha cusub ee Brazil, waxaase iyagana ay magacyadoodu miiska saaran yihiin Marcelo Oliveira oo ah tababaraha Cruzeiro iyo Abel Braga oo difaaca uga ciyaari jiray PSG, isla  markaana hal ciyaar oo kaliya u saftay xulka Brazil.

Braga waa 61 jir waqtigan layliya kooxda heerka afraad ee Brazil ee Interncional, balse xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa laga sugayaa in uu shaaciyo macallinka ay u doorteen inuu beddelo tababare Tite.

Share407Tweet255
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.