Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

DEG DEG: Tababaraha Xulka Ingariiska Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Gaaray Mustaqbalkiisa

by Saed Mohamed
December 17, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Tababaraha xulka Ingariiska Gareth Southgate ayaa si rasmi ah uga laabtay go’aankiisii hore ee aheyd inuu ka tago shaqada xulka, wuxuuna haatan go’aansaday inuu sii hogaamiyo xulka Three Lions.

ADVERTISEMENT

Southgate ayaa ka farxiyay xiriirka kubada cagta Ingariiska isagoo u sheegay inuu sii ahaanayo tababaraha xulka Ingariiska.

Tababaraha ayaa la aaminsanaa in Koobka Adduunka uu noqon doono markii ugu danbeysay ee uu hogaamiyo England, wuxuuna sidaasi qiray ka dib markii Ingariiska lagu soo reebay wareega sideed dhamaadka.

Laakiin wuxuu haatan diyaar u yahay inuu xulka Ingariiska ku hogaamiyo koobka Euro 2024 ee ka dhacay dalka Jarmalka.

ADVERTISEMENT

Warkaan ayaa imaanaya xilli tababaraha Newcastle Eddie Howe oo shaqada lala xiriirinayay uu sheegay inuu rajeynayay in Southgate uu sii ahaado tababaraha England madaama uu shaqo fiican qabtay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa neef weyni ay ka soo fuqday ka dib markii uu Southgate ka laabtay go’aankiisii hore.

Southgate ayaa sheegay ka dib markii Ingariiska laga reebay Koobka Adduunka inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa isagoo ka careynaa dhacdo dhacday bishii Juun ee sannadkan.

Taageerayaasha xulka Ingariiska ayaa waqtigaas ku ooriyay tababaraha Ingariiska markii ay xulkiisa guuldarro 4-0 ka soo gaartay Hungary kulan ka tirsanaa UEFA Nations League.

Si kastaba, codsi uga yimid ciyaartoyda xulka England ayaa bedelay go’aanka Southgate oo haatan sii ahaanaya tababaraha England.

ADVERTISEMENT

Southgate ayaa England gaarsiiyay finalka Euro 2020 halka uu sidoo kale gaarsiiyay semi-finalka Koobka Adduunka sannadkii 2018.

Share329Tweet206
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.