Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

DEG-DEG: Tababare Weyn Oo Premier League Ah Oo La Qoray Warqaddiisii Shaqo Ka Caydhinta

by Abdiwahab Ahmed
December 26, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo maanta la ciyaaray kulamadiisii koowaad ee muddo lix usbuuc ah oo lagu maqnaa fasaxa Koobka Adduunka ayaa waxa durba la qoray warqadda shaqada lagaga caydhinayo tababare weyn oo go’aan laga gaadhay.

ADVERTISEMENT

Premier League ayaa xilli ciyaareedkan ahaa midka ugu badan ee shaqada laga eryo tababareyaasha, waxaana macallimiintoodii eryey kooxo ay ka mid yihiin Chelsea, Wolves, Aston Villa, Bournemouth iyo Southampton hase yeeshee intaas kuma ekaanayso waxaana caawa la qoray warqadda shaqada lagaga eryayo tababare kale.

Chelsea iyo Leicester City ayay tababareyaashooda Graham Potter iyo Brendon Rodgers ay culayso badan saaran yihiin, waxaana la is-weydiinayaa muddada ay sii joogi doonaan haddii aanay isbeddel degdeg ah ku samaynin natiijooyinka ay kooxahoodu ka keenayaan horyaalka Premier League.

Laakiin labadoodaba waxa ka horreynaya macallin kale oo kaliya sugaya inta la  qabanayo shirka jaraa’id ee shaqada lagaga eryayo, iyadoo ay kooxdiisu bilowday raadinta macallinkii u beddeli lahaa, waana kooxda Everton oo ugu dambayntii uu ka dhamaaday samirkii ay u haysay Frank Lampard.

ADVERTISEMENT

Toffees oo caawa ay Wolves ku garaacday 2-1 ayaa u dhacday kaalinta 17aad, waxayse min hal dhibic oo kaliya ka dambeeya Wolves iyo Nottingham Forest halka Southampton oo soo guuleysataana ay hal dhibic ka sarrayn doonto, taas oo hoos ugu sii ridi karta khadka cas.

Sidoo Kale Akhri

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023

Wargeyska The Sun ayaa shaaciyey in Frank Lampard shaqada laga caydhinayo oo go’aankiisa la gaadhay, waxaana arrintaas xaqiijiyey difaacii hore ee Everton ee Stephen Warnock oo isaguna sheegay in la eryayo Frank Lampard oo haddii cimrigiisu dheeraado kaliya sii joogi doona Goodison Park illaa Sabtida oo ay Manchester City ugu tegi doonaan Etihad Stadium.

ADVERTISEMENT
Share497Tweet311
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.