Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG DEG: Sababta Rasmiga Ah Ee Raheem Sterling Uu Uga Tagay Xulka England Oo La Ogaaday

by Saed Mohamed
December 5, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Raheem Sterling ayaa ka tagay dalka Qatar islamarkaana u duulay Ingariiska isagoo isaga baxay xulka dalkiisa ka dib markii tuugo ay jabsadeen gurigiisa sida ay shaacisay The Sun.

ADVERTISEMENT

Xiddiga Chelsea ayaa isaga tagay xulka England ka hor kulankoodii wareega 16ka ee ay ka badiyeen xulka Senegal ka dib markii uu ogaaday in habeenkii Sabtida la jabsaday gurigiisa ku Surrey.

Weli lama oga hantida laga xaday guriga Sterling waana sababta uu dib ugu soo cararay England si uu ogaado waxyaabihii laga qaatay gurigiisa.

Afhayeen u hadlay xulka Ingariiska ayaa sheegay in ciyaaryahanka Chelsea uusan ka qeyb qaadan doonin kulanka wareega 16ka madaama uu xalinayo arimo qoys oo soo wajahay.

ADVERTISEMENT

Warbixin ay England soo saartay ayaa lagu yiri: “Raheem Sterling uma ciyaarayo Three Lions caawa madaama uu la tacaalayo arimo qoys.”

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Tababaraha England Gareth Southgate ayaa sidoo kale ka hadlay sababta uu Sterling uga tagay xulka Ingariiska isagoo yiri: “Wuxuu ku mashquulsan yahay arimo qoyseed.

“Waqti ayaan saaka la qaatay isaga laakiin arintiisa waxaa u gudbiyay dad kale oo caawin kara.”

Markii la weydiiyay haddii uu ku soo laabanayo xulka, wuxuu yiri: “Marka hore wuxuu xalinayaa xaalada heysata, Ka dib ayaan eegi doonaa waxa dhaca.”

Sterling ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto Qatar iyadoo England ay u gudubtay wareega sideed dhamaadka islamarkaana ay la ciyaareyso France Sabtida soo socota.

ADVERTISEMENT
Share686Tweet429
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.