Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis rasmi ah la gaadhay mucjisada Brazil ee Enrick oo maalmaha soo socda ka degi doona magaalada Madrid oo uu kula kulmi doono ciyaartoyda kooxdiisa cusub, sidoo kalena waqti ku qaadan doono ka hor inta aanu dib ugu laabanin waddankiisa.
War-saxaafadeed ay Real Madrid soo saartay ayay ku sheegtay inay heshiis rasmi ah la gaadhay kooxda reer Brazil ee Palmeiras oo ay isla meel dhigeen qiimaha Endrick oo laga bilaabo maanta noqday ciyaartoy ka tirsan Real Madrid, balse uu muddo sannad iyo badh ah sii joogi doono Palmeiras.
Real Madrid ayaa intaa ku dartay, in 16 jirkan iyo waalidkiisa ay sidoo kale heshiis la gaadhay, waxaana qandaraaskiisu uu bilaabmi doonaa July 2024 oo ah waqtiga uu sharcigu u ogol yahay in uu dibedda uga bixi karo waddankiisa, xilligaas oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir.
🇧🇷 @endrickii pic.twitter.com/UP3zlhxyB0
— Real Madrid C.F. (@realmadrid) December 15, 2022
Heshiiska ayaa waxa uu socon doonaa illaa sannadka 2027, hase yeeshee waxay Real Madrid ku dartay qodob dhigaya in saddex sannadood oo kale lagu kordhin karo heshiiska, taas oo ka dhigan in illaa sannadka 2030 uu ahaan doono ciyaartoy Real Madrid ah.
Los Blancos ayaa bixin doonta 35 milyan oo Gini oo kaash ah laakiin lacagtaas ayaa gaadhi karta illaa 60 milyan oo Euro, waxaana uu korodhku ku xidhnaan doonaa bandhigga iyo guulaha uu laacibkani la gaadho Los Blancos.
Endrick ayaa raacaya raadka xiddigaha ay Real Madrid yaraanta kaga soo iibsatay Brazil ee ay u barbaarisay mustaqbalka ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes oo marka uu soo gaadho Santiago Bernabeu ay weerarka ka wada ciyaari doonaan.
Kooxo waaweyn oo reer Yurub ah ayaa Real Madrid ay ku garaacday saxeexa Endrick, waxaana ka mid ah PSG oo hore uga gudbisay dalab ay soo diidday Palmeiras, Chelsea iyo Barcelona.