Raheem Sterling ayaa laga saaray xulka England ee wareega 16ka Koobka Adduunka la ciyaaraya Senegal caawa madaama uu ku mashquulsan yahay arimo la xiriira qoyskiisa.
Weeraryahanka Chelsea oo 27 sanno jir ah ayaa boos joogta ah ka heystay xulka England tan iyo markii uu tababare u noqday Gareth Southgate sannadkii 2016kii.
Laakiin kama qeyb qaadan doono kulanka wareega 16ka ee ay caawa la dheelayaan Senegal sida uu FA-ga xaqiijiyay.
Lamana oga haddii uu diyaar u noqon doono wareega 8da waa haddiiba ay ka gudbaan xulka Senegal caawa.
Wargeyska The Times ayaa sheegaya in Sterling uu weli Qatar ku sugan yahay islamarkaana ay qiimeynayaan haddii arimaha qoyska ee heysta uu ka xalin karo isagoo jooga Doha iyo haddii kale.
Dhanka kale Marcus Rashford ayaa keyd la geliyay iyadoo lagu soo bilaabay Bukayo Saka iyo Phil Foden oo garbaha ka ciyaaraya iyagoo caawinaya Harry Kane.
Khadka dhexe waxaa ku soo bilowday Henderson, Decland Rice iyo Bellingham.
Garbaha daafaca waxaa ka dheelaya Walker iyo Shaw iyadoo Stones iyo Maguire ay ka ciyaarayaan daafaca dhexe.
Jordan Pickford ayaa sii xajistay booskiisa goolkka.
Shaxda xulka England: Pickford, Walker, Stones, Maguire, Shaw; Bellingham, Rice, Henderson; Saka, Kane, Foden.
Keyd: Grealish, Rashford, Trippier, Pope, Phillips, Dier, Coady, Alexander-Arnold, Mount, Ramsdale, Wilson, Maddison, Gallagher.
Shaxda xulka Senegal: E Mendy, Sabaly, Koulibaly, Diallo, Jakobs, N Mendy, Ciss, Diatta, Sarr, Ndiaye, Dia
Keyd: Seny, Gomis, Formose, Cisse, M. Ndiaye, Toure, P. Gueye, P.M. Sarr, Name, Loum, Bamba, Famara, Jackson.