Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: Musiibo Ku Habsatay Xulka Qaranka Brazil Iyo LABA Xiddig Oo Xalay Dhaawacmay Oo Laga Saaray Liiska Xulka

by Abdiwahab Ahmed
December 3, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Xulka qaranka Brazil ayaa shaaciyey in laba ciyaartoy oo xalay ka dhaawacmay ay macasalaameeyeen Koobka Adduunka oo ay ka maqnaan doonaan inta ka hadhay tartanka. Labada ciyaartoy ee dhaawacmay oo uu usii raaco Neymar oo xaaladdiisu wali cirka  ku shareeran tahay, ayaa tababare Tite ku ridaya madax-xanuun.

ADVERTISEMENT

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Gabriel Jesus oo uu dhaawac kasoo gaadhay jilibka ciyaartii Cameroon ee xalay ayaa la xaqiijiyey in uu muddo toddobaadyo ah maqnaan doono, isla markaana sidaas kaga baxay liiska  xulka qarankiisa Brazil.

Waxa kale oo isaguna dhaawacmay oo isaga oo ooyaya laga saaray garoonka difaaca bidix ee  kooxda Manchester United ee Alex Telles oo isaguna muddo dheer garoomada ka maqnaan doona.

Gabriel Jesus Alex Telles

ADVERTISEMENT

Telles oo garoonka ka baxay qaybta labaad oo toban daqiiqadood socota markii uu dhulka si xun ugu dhacay iyo Gabriel Jesus oo jilibka wax ka noqday ayaa labadaba ay uga dhamaatay Koobka Adduunka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Wargeyska Globo ee kasoo baxa waddanka Brazil ayaa helay xogta dhaawaca Jesus iyo Telles, kaddib markii saaka lagu sameeyey baadhitaano iyada oo laga qaaday sawirro, kuwaas oo natiijadeedu noqotay in aanay mar dambe ciyaari doonin Koobka Adduunka ee uu dalkoodu usoo baxay wareegga 16ka.

jesus

Gabriel Jesus ayaa muddo bil ah groomada ka maqnaan doona sida uu sheegay wargeyska Globo, waxaanay taasi dhibaato ku tahay Arsenal oo aanu u ciyaari doonin kulanka West Ham ee dhamaadka bishan December.

Alex Telles ayuu dhaawaciisu halis yahay marka loo eego midka Gabriel Jesus, waxaanu u baahan doonaa qalliin degdeg ah oo lagaga sameeyo jilibka kaas oo sababi kara in xilli ciyaareedkan socda oo dhan uu garoomada ka maqnaado.

ADVERTISEMENT

Brazil oo wareegga 16ka Koobka Adduunka la ciyaari doona Koonfur Korea ayaa waxa hore walaac ugu hayay Neymar oo ku dhaawacmay ciyaartii Serbia ee bilowga Koobka Adduunka, waxaana uu ka maqnaa kulamadii Switzerland iyo Cameroon, haddana shaki weyn ayaa la gelinayaa taam ahaanshihiisa ciyaarta Koonfur Korea.

Share452Tweet283
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.