Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waqti dhow waxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Manchester u diri doontaa baabuur iyo shaqaale kasoo qaada weeraryahan cusub oo u buuxin doona booskii uu banneeyey Cristiano Ronaldo, kaas oo illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ku sugnaan doona Old Trafford.
Manchester United ayaa ugu dambayn heshay weeraryahan cusub oo afka hore kula tartami doona Marcus Rashford iyo Anthony Martial, kaas oo maanta soo gaadhi doona garoonka tababarka ee Carrington.
Red Devils ayaa tijaabada caafimaadka u diyaarisay weeraryahanka reer Netherlands ee Wout Weghorst oo mar dhoweyd xaqiijiyey inuu ka duulayo magaalada Istanbul ee waddanka Turkey oo uu kusii jeedo UK oo uu heshiis ugu saxeexatyo Manchester United.
Wargeyska A Sport ee kasoo baxa Tukrye ayaa waxa uu sheegay, in uu laacibkani subaxnimadii saaka macasalaameeyey ciyaartoyda iyo tababareyaasha Besiktas, kahor inta aanu u duulin UK oo uu tijaabada caafimaadka u marayo.
Laacibkan ayaa sawir uu soo dhigay bartiisa bulshada, waxa uu qish weyn kaga bixiyey duullimaadkiisa UK, waxaana la sugayaa in saacado kaddib lagu arko garoonka diyaaradaha magaalada Manchester.
Red Devils ayaa waxay laacibkan kula soo wareegaysaa heshiis amaah lix bilood ah oo illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan socda ah, iyada oo £2.65 milyana oo Gini oo lacag ah siinaysa kooxda reer Turkey ee Besiktas.
Manchester United ayaa saxeexa Wout Weghorst u jeedsatay markii ay Chelsea ka hor qaadday Joao Felix, sidoo kalena ay Liverpool u garaacday saxeexa weeraryahanka reer Netherlands ee Cody Gakpo.