Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

DEG-DEG: Luis Suarez Oo Dhaawacmay & Atletico Madrid Oo Warkii Ugu Xumaa Heshay Kahor Dagaalka Ay La Liga U Galayso

by Saed Mohamed
April 7, 2021
0

Kooxda Atletico Madrid ayaa heshay warkii ugu xumaa ee ugu macquulsanaa ee ay ka heli karaysay xiddig kooxdeeda ah kaddib markii ay xaqiijisay dhaawaca weeraryahanka kooxdeeda ee Luis Suarez.

ADVERTISEMENT

Atletico Madrid ayaa hadda ah kooxda wali majaraha u haysa horyaalka La Liga iyaga oo 1 dhibic ka sarreeya Barcelona halka ay saddex dhibcood ka sarreeyaan Real Madrid taas oo muujinaysa adayga xilliga uu kusoo beegmay dhaawaca El Pistolero.

Image

Suarez ayaa ahaa xiddiga ugu muhiimsan Rojiblancos xilli ciyaareedkan isaga oo kulamo badan sabab u ahaa inay saddexda dhibcood kasoo heleen.

ADVERTISEMENT

Kahor warbixinta rasmiga ah ee ay soo saartay Atletico Madrid, wargeyska Cadena Cope oo warbixin ka qoray dhaawaca gaadhay Suarez ayaa sheegay inuu dhaliyaha ree Uruguay ka baxay tababarka kooxda ee maanta.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Atletico Madrid ayaa shaacisay in nooca dhaawaca gaadhay Suarez uu yahay mid ka gaadhay muruqa lugta bidix isla markaana wali la wado qiimaynta heerka dhaawaca iyo mudada uu garoomada ka maqnaan karo.

Suarez ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan 19 gool oo kulamada La Liga ah usoo dhaliyay Atleti walow uu kaliya hal gool soo dhaliyay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyay isla markaana uu kaliya 3 gool kusoo diiwaan gashadat 11 kii ciyaarood ee ugu dambeeyay.

Marka horeba Suarez ayaa ganaax ku seegayay ciyaarta toddobaadka soo socda ee Atletico ay la leedahay Real Betis, kooxda caasimada Spain ayuu wer-wer kale ku hayaa Moussa Dembele oo isaguna ka maqan.

ADVERTISEMENT
Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.