Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay jug weyni soo gaadhay, waxaana kusoo kordhay walaac la xidhiidha dhaawaca difaacooda laf-dhabarta ah ee Virgil van Dijk oo garoonka laga saaray waqtigii nasashada kulankii Brentford ee Isniintii.
Van Dijk ayaaa la beddelay waqtigii nasashada iyadoo kooxdiisana lagu garaacay 3-1, waxaana hadda soo baxay natiijooyinka baadhitaano 24kii saacadood ee ugu dambeeyey lagu samaynayay, kuwaas oo muujiyey in dhaawaciisu ka xun yahay sidii markii hore la moodayay.
Sida ay muujinayso xogta baadhitaanka oo loosoo dusiyey saxaafaddu, Van Dijk ayaa waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa dhawr toddobaad inkasta oo aan si buuxda loo cayimin muddada, taas oo jug weyn ku noqon doonta kooxdan oo kaalinta lixaad kaga jirta miiska kala-sarraynta Premier League.
Jurgen Klopp ayaa saxaafadda la hadlayay Isniitnii ayaa sheegay in uu rajaynayo in Van Dijk uu degdeg usoo laaban doono, dhaawaciisuna noqon doono mid fudud, waxaanu yidhi: “Van Dijk muruqa ayuu woxoogaa xanuun ah ka dareemay, wuuna fiican yahay.
“Ma aanan doonayn in aan wax khatar ah geliyo, dhakhaatiirnuna way ku farxeen markii aan u sheegay in aanan khatar gelinayn Van Dijk. Ma aha dhaawac, laakiin waxa uu dareemay xanuun.”
Si kastaba, Liverpool ayaa laga sugayaa inay warbixin rasmi ah kasoo saarto dhaawaca Van Dijk iyo muddada uu kusoo kaban doono, waxaana muddada uu garoomada ka maqan yahay uu Klopp isku-hallayn doonaa Joel Matip iyo Ibrahima Konate.
Liverpool ayay hore dhaawacyo ugaga maqnaayeen Luis Diaz, Diogo Jota, Arthur Melo, James Milner iyo Roberto Firmino, waxaana si weyn loo tabi doonaa saamayntii Van Dijk uu ku lahaa kooxda.