Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib ugu yeedhatay difaac amaah kaga maqnaa kaddib xogo cusub oo kasoo kordhay dhaawaca Virgil van Dijk oo usbuucyadii ugu dambeeyey u jiifay dhaawac muruqa ah.
Difaaca reer Netherlands ee Van Dijk ayaa hore loo sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan muddo hal toddobaad ah, laakiin waqtiga rasmiga ah ee uu soo laabanayo ayaan illaa hadda la ogeyn, waxaana jira warar sheegaya inay suurtogal tahay inuu maqnaado waqti ka badan intii la filayay.
Laacibkan ayaa waxa uu sii kordhiyey tirada ciyaartoyda ka dhaawacan Liverpool ee Luis Diaz, Roberto Firmino iyo Diogo Jota oo waqti dheer maqnaanaya.
Tababare Jurgen Klopp ayaa go’aamiyey in ay kooxdu dib ugu yeedho difaaca dhexe ee ay amaahda ku direen Rhys Willliams oo bandhig fiican ka samaynaya kooxda heerka labaad ee Blackpool oo 17 ciyaarood uu u saftay xilli ciyaareedkan socda.
Williams ayaa shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay kaydka dhigtay Blackpool, waxaana uu tababare Klopp go’aansaday inuu u yeedho si uu beddel ugu noqdo Ibrahima Konate, Joe Gomez iyo Joel Matip oo ah saddexda difaac ee kaliya ee u caafimaad-qaba waqtigan.
Liverpool ayaa ku jiirta kaalinta sagaalaad ee horyaalka Premier League, waxaanay Sabtida la ballansan yihiin kooxda kaalinta 17aad fadhida ee Wolves, iyaga oo ciyaartii horena barbarro goolal la’aan ah la galay Chelsea.